Liiska Goobaha Diiwaangalinta Cod-Bixiyayaashu Waa Saami Qaybsi Khaldan Iyo Sadbursi Cadaalada Ka Fog !!!!

0
Thursday September 04, 2014 - 23:34:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Goobaha Diiwaangalinta Cod-Bixiyayaashu Waa Saami Qaybsi Khaldan Iyo Sadbursi Cadaalada Ka Fog !!!!

    Liiska Goobaha Diiwaangalinta Cod-Bixiyayaashu Waa Saami Qaybsi Khaldan Iyo Sadbursi Cadaalada Ka Fog !!!! Liiska goobaha diiwaan galinta cod bixiyayaashu mahan qaar la aqali karo, waxaa ku jira sad bursi iyo cadaalad daro weyn, waxaanu sheegayna in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liiska Goobaha Diiwaangalinta Cod-Bixiyayaashu Waa Saami Qaybsi Khaldan Iyo Sadbursi Cadaalada Ka Fog !!!! Liiska goobaha diiwaan galinta cod bixiyayaashu mahan qaar la aqali karo, waxaa ku jira sad bursi iyo cadaalad daro weyn, waxaanu sheegayna in aan doorasho lagu gali karin,. saamiga gobolada ,magaalooynka,iyo dagmooyinku iskuma dhigmaan, iskumana dhawa, mana aha mala awaal iyo waxaan jirin, bal tuaale aynu su oo qaadano gobolka maroodi jeex bal eeg, u fiirso sidan Gobolka Maroodi Jeex dagmooyinkiisa

Liiska goobaha diiwaan galinta cod bixiyayaashu mahan qaar la aqali karo, waxaa ku jira sad bursi iyo cadaalad daro weyn, waxaanu sheegayna in aan doorasho lagu gali karin,.

saamiga gobolada ,magaalooynka,iyo dagmooyinku iskuma dhigmaan, iskumana dhawa, mana aha mala awaal iyo waxaan jirin, bal tuaale aynu su oo qaadano gobolka maroodi jeex bal eeg, u fiirso sidan

Gobolka Maroodi Jeex dagmooyinkiisa

Gabiley Salaxlay Balugubadle Faraweyne

12 Goobood 5Goobood 6Goobood 4Goobood

Daara-Salaam Laasgeel Sabo-wanaag Cadaadlay

3 Goobood 2Goobood 5Goobood 2Goobood

Dadmooyinka hargeisa Gudaheeda

Gacan libaax 26June Maxamuud Haybe Ahmed Dhagax Ibraahim Koodbuur

5Goobood 5Goobood 4Goobood 4Goobood 3Goobood

waxaynu tulaale u soo qaadanay Gobolka maroodi jeex kuwa kalana sawirka waraaqaha ayaad ka daalacan kartaa

aynu eegno saami bursiga ku jiran degmooyinka



kor aynu ku xusnay, qarsoodi ma'aha in deegaan kastaa dagan yahay reer, haddii deegaanadu kala gooba bataan codbixiyayaashuna way kala badanaya, tusaale aan ahaan gudiga hawshan loo xilsaaray dagmada "Maxamuud haybe" kuma lahayn xubin iyo cid goob joog u aheyd markii la qeybsanaya goobahan cod bixinta

Dhanka kale hargeisa waa 8 degmo, waxaa laga saaray liiska 3 degmo oo kala ah 31-May, Maxamed Mooge , Macalin Haaruun, halka dagmada lamidka aha ee "Ibraahim koodbuur" lagau daray

Xasuusin degmada Ibraahim koodbuur waxaa sameeyey "Maxamed Xaashi" isla deegaanada laga tagayna waxaa cod ku ansixiyey golihii degaanka ee "maayar jiciir" waana sharci haddii nidaam dowladeed la eegayo ama la waafajinayo.

marka aad eegto saami qeybtsiga deegaanada bal aynu ku salaynu qaab beeleed si loo fahmo halka sartu ka qudhuntay gaar ahaan dagmooyinka Hargeisa

Sacad muuse ciisa muuse Arab Ciidagale Isaxaq

Tirada Guud Tirada Guud Tirada Guud Tirada Guud Tirada Guud

26 Goobood 4 10 9 4

waa arin cad oo marag madoon ah, in cida qaybisay aanay dhex ahayn, nidaamkii dowladnimana wiiqan yahay, cidina cid wakiil ugama ahan, martina looga noqon maayo reer in uu ku tagri falo wixii lawada laahaa

haddii xukuumadu sixi weydo khaladka jira, waxay noqneysaa in xukuumad lafteedu tahay reerka sadbusiga sameystay, haddii hore loo il-duufi jiray hadda ma maya.

Waxaan fariin u diray aqoonyahanka, waxgaradka dagan degmooyinka saamigooda la qaatay, in aanay aqbalin, ka hadlaan, oo aanay cidna ku halayn xaqooda u doodidiisa, in ay ka soo horjeestaan in ay qaataan cadaalad darada, dad lamid ahi maleegeen, waa ayaan daro in maanta hargeisa arinteeda aan cidna waxba laga waydiin, sidii la doonana loogu tagri falo, iyadoo la adeegsanayo awoodii dowladnimo

waxaan xukuumada uga digeynaa in ay ku shaqeyso aragti khaldan oo dhinac ka raran, dad gaarina sameyeen sidii ay rabeen,

waxaanu si gaara ula hadlaynaa madaxweynaha qaranka, madaxweyne adigoo sharaf naga mudan, kugu qadarinayno xilka aad umada u hayso, waxaanu kuu so jeedinaynaa in dowladnimadeenu sharafteedu ku jirto cadaalad iyo saami qeybsi ku dhisan nidaam dowladeed, mana aqbali karo in beeli ku tagri fasho wixii ummada u dhaxeeyay, haddii waajibkaaga kaa saaran qarankan aad sidaas ku eegato waxay noqon doontaa in beel beel loo wada xisaabtamo

Fariin Gaara

waxaa amakaag iyo u qaadan waa ah, in xubnaha xukuumad kaga jira deegaanada saamigoodii la qaatay in aanay mug iyo miisaan toona ku lahayn jaan-gooynta arimaha dowlada, Markhaatina ay ka yihiin howlmaal meedka guud ee dowlada iyadoo kuwii dhigooda ahaa ay saamiga deegaanadooda ku dagaalamaan sadkoodana miiska dushiisa ku qaataan, waliba sadbursi dheeraysiistaan, iyagoo la baryayo,

Garaad:- Mahad Max'ed Abdi

063-4854791

063-3661359




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured