Universal TV oo 7-ba bilood xayiran iyo sababta dhabta ah ee uu u xayiran yahay.

0
Thursday September 04, 2014 - 19:28:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Universal TV oo 7-ba bilood xayiran iyo sababta dhabta ah ee uu u xayiran yahay.

    Sidaynu wada ognahay waxaa lagu xayiray Universal TV Barnaamij waraysi ah oo lagu dacaayadeeyey Madaxweynaha Siilaanyo Taas oo keentay in xayiraad aan sifo sharci ah loo soo marin lagu xayiro TVgaas 4tii bishii labaad ee sanadkan 2014-ka, hase ahaate

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu wada ognahay waxaa lagu xayiray Universal TV Barnaamij waraysi ah oo lagu dacaayadeeyey Madaxweynaha Siilaanyo Taas oo keentay in xayiraad aan sifo sharci ah loo soo marin lagu xayiro TVgaas 4tii bishii labaad ee sanadkan 2014-ka, hase ahaatee arinkaasi wuxu noqday mid aan waqti

Sidaynu wada ognahay waxaa lagu xayiray Universal TV Barnaamij waraysi ah oo lagu dacaayadeeyey Madaxweynaha Siilaanyo Taas oo keentay in xayiraad aan sifo sharci ah loo soo marin lagu xayiro TVgaas 4tii bishii labaad ee sanadkan 2014-ka, hase ahaatee arinkaasi wuxu noqday mid aan waqti xaadirkan xukuumadu aad u danaynayn dacaayadii dhacday 7 bilood ka hor oo ay weliba jeceshahay in TV gaas laga qaado xayiraada maadaama aanay wax macna ah samaynayn xayiraadiisu waqti xaadir kan, Taas oo keentay in hoos u dhac weyni ku yimi heerkii caalamku u arkayey in Somaliland ka taagan tahay xoriyatul qawlka iyo cabudhinta saxaafada madaxa banaan.

Waxaynu wada ognahay in mudooyinkii u danbeeyey ay aad u xumaatay xidhiidhka dawlada iyo saxaafadu , Taas oo loo aanaynayo habdhaqanka foosha xun ee wasiirka wasaarada warfaafinta Cakuse oo ah nin in badab ku dhex jirey saxaafada sidaasi awgeed qaar kamida saxafada soo dhoweystey qaarna cadaw uga dhigay xukuumada , arinkani wuxuu inta badan sababaa in dubihii lagu waday cakuse uu wax yeelo u keeno dalka sidaasi awgeedna loo baahan yahay in arinkan xukuumadu dib u eegto wasaaradana qof ku haboon lo o soo magcaabo.

Sida uu dhawr goor ka sheegay wasiirka arimaha debeda ee Somaliland MR biixi, waxay arintani ku noqotay weji gabax meelkastuu tago iyadoo sidoo kale wufuuda caalamiga ah ee dalka timaadaana ay inta badan madaxweynaha ka codsadaan in la tix geliyo madax banaanida saxaafada somaliland oo imika laba jaraa’id haatuf iyo hubaal iyo Universal TV ay xayiran yihiin mudo aad u dheer.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ayaan daro weyn ah in Cakuse uu yahay nin dantiisa gaar ahaaneed wata oo mashruuc ku qaatay in Universal uu ka hayo qaar ka mida warbaahinta, iyadoo Universalna ay si toosa ula shaqaysay khaatumo sate oo ka faaiidaystey fursadaas waxay dawladu qaaday talaabooyin ay ku soo afjarayso khaatumo balse doorashii cali khaliif waxay si weyn u soo noolaysay khaatumo oo caalamkii iyo taageerayaasheediiba u arkeen inay weli nooshahay rajadii laga qabay jiritaanka khaatumo maadaama caalamka laga daawaday doorashadii ka dhacday Saaxdheer taas oo uu suura geliyey Cakuse maadaama uu abuuray colaada dawlada iyo Universal oo aan ku dhiiradeen haday ka shaqayn lahaayeen dalka.

Waxaa dhowaanahan ba culays lagu saarayey cakuse inuu soo af jaro arintan intaan amar sare ku iman iyadoo ila wareedo lagu kalsoon yahay sheegayaan in wasiirka duulistu MR Xaashi ku dhex qabsaday khamiistii hore markii shirkii golaha wasiirada laga soo dareeray qasriga madax tooyada, Kuna yidhi adeer afartii sano ee xukuumadaasi jirtey maalin walba wax baa nalaga sheegaa cidna ma haysano markaa waa lay caayey ceebaa kaa raacdee eeg danta qaranka.


Anagu uma aragno in adiga dartaa loo lumiyo masiirka dalkan, erayadaas wuxuu cakuse uga dacwooday madaxweynaha sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan.

Hadaba iyadoo beryahan danbe aad loo hadal hayey isku shaandhaynta golaha wasiirada ee Somaliland waxaa muhiim ah in wasaarada warfaafinta oo ah wasaarada xaasxaasi ah loo helo masuul aan ku dhex hafan sida cakuse oo ka adag shaqadiisa, Iyadoo geesta kalena Suldaanka guud ee Ciida gale dhawr goor ku baaqay in madaxweynuhu dib u eego awood qaybsigii beelaha nin reerku ku kalsoon yihiina uu uga dhigo wasiir laakiin aanu isagu iska go aansan taas ku tusay kalsoni darada ay beeshiise ka qabto cakuse.

Guntii iyo gebagebadii waaa in danta dalka iyo dadka laga hormariyo danaha gaar ahaaneed ee shaqsiyaad ku wataan si loo horu mariyo dalkeena.Saxaafada madaxa banaana loo sii daayo xoriyadooda.

Qalinkii

Najiib Najiiballbuuhoodle(najiibcayn@gmail.com)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured