Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho!!! WQ: Axmed dr.maxamed cabdi da'ud

0
Thursday September 04, 2014 - 19:27:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho!!! WQ: Axmed dr.maxamed cabdi da'ud

    Ganacsade,xoolahaga yayna booli kuugu dhuuman oo yayna kaa xaarantimeyn adiga oo aan ugu talo gelin.waa arrin inta badan ee ganacsatada dalkeenu aanay ogeyn oo shaqaalahooda aqoon yari u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade,xoolahaga yayna booli kuugu dhuuman oo yayna kaa xaarantimeyn adiga oo aan ugu talo gelin.waa arrin inta badan ee ganacsatada dalkeenu aanay ogeyn oo shaqaalahooda aqoon yari u
Ganacsade,xoolahaga yayna booli kuugu dhuuman oo yayna kaa
xaarantimeyn adiga oo aan ugu talo gelin.waa arrin inta badan ee
ganacsatada dalkeenu aanay ogeyn oo shaqaalahooda aqoon yari u
sameeyan ama shaqalahoodu u badheedhaan lakinse aanay Aakhiro qiil u
noqonayn ogaansho la'aantaasi balse ay la mid tahay sida uu
ganacsaduhu u ogyahay faa'ido sanadeedka iyo waxa uu macaasho ay
waajib tahay inuu ogaado lacagta boolida ah ee inanka u shaqaynayaa
lacagtiisi xalaasha ahayd kaga darayo.
Ganacsatada iibisa GOGOLAHA guryaha, sharaxaadaha guryaha iyo
maryaha ama qalabka dhismaha sida tuunbooyinka,xadhkaha laydhka
garaa'idka iwm ee lagu iibiyo METER ka ama YARD ka oo cabirka YARD ka
waxaynu nidhaahna WAAR,alaabtaa nooga timaada dibada oo markay noo
timaado noogu timaada METER ahaan balse markay bakhaaradu shicibkeena
ka iibinayaan ee rasiidka ugu qorayaan cabirku inuu METER yahay lakin
marka uu siinayo uu alaabtii ugu jarayaa YARD ahaan isaga oo moodaya
inay METER ku iyo YARD ku isku mid yihiin ganacsatada qaarna ay
ogyihiin inuu METER ku ka dheeryahay YARD ka oo uu 1 kii meterba uu
dheeryahay 0.08 yard 1 kii yardba balse ay isleeyihiin faa'ido ha kuu
naqoto iyada oo ah xaaraan maqdac ah kitaabkeena Qu'raanka ahna uu
xusay inuu hoog u suganyahy ganacsada miisaanka ama cabirka kala dhima
sida ku sugan suuratul MUDAFIFIIN bilowgeeda,axaadiis badana ku soo
ururtay inay xaaran tahay oo ay booli tahay faa'idada xoolaha
bani'aadanka aad ka reebaysaa.
Guntii iyo gunaanadkii ganacsade arrintan waxay saamayn ku yeelataa
sicir bararka dalkeena ka jira iyo waliba ay sababi karto inay cadho
Ilaahay umada ku dhacdo haday aqoon yari kaa ahaydna ka towbat keen oo
imika is daba qabo akhristayaashana waxaan leeyahay qaraabadiina iyo
asxaabtiina ganacsatada ah xasuusiya arrintan si aad AJAR Ilhaay
agtiisa uga heshid.


Ilaahay kheyrka hana waafajiyo.
maamulaha Shirkada Al-Manal Furniture
Axmed dr:maxamed cabdi da'ud.
axmeddaud@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured