Sahra Halgan Oo Ka Dareen Celisay Waxii Ku Kalifay Inay Siyaasada Dhexgasho Kana saaray Fankii Iyo Suugaantii+Warbixin Xiiso Leh.

0
Thursday September 04, 2014 - 19:26:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sahra Halgan Oo Ka Dareen Celisay Waxii Ku Kalifay Inay Siyaasada Dhexgasho Kana saaray Fankii Iyo Suugaantii+Warbixin Xiiso Leh.

    Hargeysa(xogreebnews Shalay oo ay bishi ahayd 03/9/2014 ayaa waxaa ka baxay saxafada reer somaliland iyo fankii sugaanii looga bartay alfanaan sahra halgan waxayna u hayaantay dariiqii siyaasada oo ay noqotay siyaasiyad mucaarid ku noqon doonta xukum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews Shalay oo ay bishi ahayd 03/9/2014 ayaa waxaa ka baxay saxafada reer somaliland iyo fankii sugaanii looga bartay alfanaan sahra halgan waxayna u hayaantay dariiqii siyaasada oo ay noqotay siyaasiyad mucaarid ku noqon doonta xukumada axmed Hargeysa(xogreebnews Shalay oo ay bishi ahayd 03/9/2014 ayaa waxaa ka baxay saxafada reer somaliland iyo fankii sugaanii looga bartay alfanaan sahra halgan waxayna u hayaantay dariiqii siyaasada oo ay noqotay siyaasiyad mucaarid ku noqon doonta xukumada axmed siilaanyo yadoo ku biirtay xisbiga mucaaridka ah ee wadani.Hadaba sahra ayaa waxay ku nooshahay wadamada Yurub gaar ahaan dalka faransiiska waxaana ay dalka somaliland u tagay sidii ay uga soo hor jeesan lahayd xisbiga kulmiye iyo tvga qaranka somaliland oo ay dhawaan sheegtay inuu diiday heeso ay lahaan jirtay in laga baahiyo.Sahra halgan ayaa ahaan jirtay gabadh aad ugu adag muwqifkeeda fanaanimo kuna qanacsanaan jirtay lakiin waxaa ka soo ifbaxay in jibo siyaasadeed qaaday waxaana culays kaga yimi dhinaca heesaha oo ay hada ka sii gaboobayso madaama ay in badan kusoo dhex jirtay fanka iyo suugaanta somaliyeed ayay hada ka qaadatay nasho ama afka qalaad loo yaqaano ( retired). Sida qurbaha iyo meelo badan oo dalka somaliland lagaga soo waramaayo ayaa waxay sheegayaan sababta ugu wayn ee ay uga hadaaftay fanaanimadii ay tahay in sahra halgan dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay xukumada Madaxwayne axmed M M Siilaanyo iyo beeshiisa oo sahra halgan colaad wayn u qaaday,dhawaan ayay waxay sahra halgan tagtay dalka Swizerland oo ay rabtay inay show ku soo qabato lakiin waxaa u diiday beesha madaxwaynaha somaliland oo ay sahro halgan dhowr jeer ku aflagaadotay yadoo u adeegsanaysa heesaha iyo fahnka y ku dhex jirtay. Hargeysa markii ay dhawaan timid ayaa waxay shirar gooni-gooniya la yeelatay gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee wadani iyo ucid sidoo kale waxay kulan casho ah la qaadatay odayaasha la baxay ururka bilaa sharciga ah ee madasha wadaashiga, kaas oo ay kula taliyeen inay ka mid noqoto madasha wadatashiga iyo qaska dalka lakiin waxay sahra halgan doorbiday inay siysaada xisbiyada danaynayso madaama ay colaad gaamurtay u qabto xukumada iyo xisbiga kulmiye waxayna kula taliyeen inay ku biirto xisbiga wadani oo ay hada xubin firfircoon oo loo adeegsado aflagaadooyinka madaxda qaranka somaliland iyo siyaasada Madaxwayne axmed maxamed Maxamuud (silaanyo) ee ku aadan xisbiga wadni si rasmiya u noqon doonto.Hadaba sahra halgan ayaa ahaan jirtay mujaahidad ka soo qayb qaadatay cod iyo afba dagaalkii iyo halgankii dheera ee somaliland lagaga xoreeyay cadawga somaliya ee barigaa ku hayay gumaadka oo aan shacabka reer somaliland yar iyo waynba la odhan karin way u kala hadheen laguna wada tillmaami karo halgaamaa iyo mujaahiddiinta.Guntii iyo gunaanadkii waxaa looga baahan yahay Faanadii hore ee fanka somaliland sahra halgan inay ixtiraanto halgankii ay ka soo qayb qaadatay iskana dhowrto jaranjarooyinka loo dhigi doono ee ay qaar kamida siyaasiyiinta ka maskaxda wayni u taraarixin donaan taas oo ay ka mid tahay arimaha sare ku xusun oo ah in aanay qabiil qudha wax xumaana u samayn kana waantowdo qabyaalada iyo nemcaanshaha ay u hayso beesha uu madaxwaynaha somaliland ka soo jeedo oo ah beesha ugu badan qurbaha iyo dalka somalilandba mudana in la ixriaamo waayo madaxwaynaha somaliland waxaa uu dhaxeeya shacabka reer somaliland oo dhan mana aha in loo muujiyo wax ka baxsan saxada cusub ee siyaasada aad kusoo biirtay kuna soo dhawoow goobta aad ka faaidi kartid janada iyo naarta hadba kii aad jeceshay ee ah siyaasada.xogreebnews.com-office Hargeysa/somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured