Seefta Sugaysa Wasiiriinta Silaanyo By Mukhtar Cilmi

0
Tuesday September 02, 2014 - 19:54:15 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seefta Sugaysa Wasiiriinta Silaanyo By Mukhtar Cilmi

    Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee xogreebnews.com-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee xogreebnews.com-
Iyadoo ayaamahan ay wasiiriinta xukuumaddan liita la ogaysiiyay inuu dhici doono kala shaandhayn ku imanayaa xilalkooda ayay ka hakan waayay tv yada inay dhex ordaan oo ay ku waashan waxaanu qabanaya sidaa iyo sida !!,waxaana ka dhex muuqda xil jacayl ay ku fadhiyeen in ka badan dhowr sanadood iyago waxna ka qaban baahiyaha dalka ka jira , marka kuwaa u baahan oo aan filayo inuu karbaashku ku dhacayo waa dhowr wasiir, iyado muuqato inay dhowr wasiir ay laaluush siiyen dhowr qof u maqaalo u qoro kuna tilmaama dad waxqabad iyo horumar keenay laakin waa been cadd oo nifaaq wadata , hadaba waa kuwii kuwa baddu liqi doonto !!:
1- Ugu horayn wasiirka waxbarashadda iyo taclinta sare Samsam Cabdi Adan oo inti ay haysay xilkan ay hoos u riday waxbarashadii dugsiyadda dawliga, halka tacliinta dugsiyadda gaarka loo leeyahay aad uga sarayso ta dawliga ah, iyadoo arrimahaasna loo aaneeyo waxbarashadda dawladdu bilaashka ka dhigtay, taasoo meesha ka saartay dhaqaalaha macallimiintu heli jireen, maadaama mushaharka ay dawladda ka qaataan ku filayn nolol maal meedkoodda, taasoo keentay in macallimiinta tayada lahaa u digo-rogtaan dhinaca dugsiyadda gaarka loo leeyahay, iyo qabyaaladd logo xanto , saas daraadeed waa wasiiradd ku fashilantay xilkeeda seeftuna way saaran tahay!!.
2- Wasiirka Duulista Iyo Hawadda Maxmuud Xaashi Cabdi waa wasiir intuu muddadii uu xafiiska fadhiyey lunsaday dhaqaale badan oo caalamku ku caawiyeen horumarinta madaarradda Somaliland, gaar ahaan mashaariic lacago buuran ah oo dawladda Kuwait ugu deeqday casriyeynta iyo ballaadhinta garoomadda diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera , bal imikadaas soo arka runwayadii oo dorba dilaacay , maamuladda madaaradda oo mar walba ay is haystaan wasiirkan, lacago aan sharci ahayn aya dadka ka dhufayaa loogo soo dalacay 45 dollar iyadoo golaha barlamaanka laga paasay 10 dollar oo kaliya , manay ahyen boob cad ??!!, waa nin bulshaddu aan jaclayn oo runti ku ah aafo xukuuumaddan liidata, doorkana seeftuna way saaran tahay !!.
3- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Cabdi Awdaahir waa wasiir aan ila hada garanayn wuxuu ka qabto xukuumaddan? Doorkiisa?? Waa wasiirka ugu tamarta yar wasiiriinta xukuumaddan, waayo dadka u kiresto inay ku amaanaaan warbaahiinta ma qoran wuxuu qabtay ila hada?? 4 sanoo ayuu fadhiyay wasaaraddan muxuu ka qabtay Awdal-Sanaag-Saaxil —Sool- Hargeysaa??, dhowr mashruuc oo aan u arko inay yihiin mashaariic u gaadh ah dad ayuu fulistay laakin qaranka muxuu u soo fa’iday?? Waxna ( Zero ) silaanyona uma keenayo taageero isago u baahan taageero maadama u galiyo doorasho madaxnimadda 2015!!, marka Cabdi Awdaahir ma noqonayo marxaladda soo socota dadka u baahan yahay silaanyo , sida daradeed waa ninka ugu horeya ay seeftu saaran tahay.
4- Wasiirka wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole waa nin runtii wax saas ah ku soo kordhin qaranka ,isago laga sugayay muddo 4 sanadood inu wax ka qabto biyo xidhaynta oo loog kobciyo beeaha si ay wax soo sarka dalku kor u kaco , waxaana ognahayay in maanta somaliland ay tahay dal u xidhan khudradda ka timaada itoobiya iyo soomaaliya, intuu hayay xilka musuq maasuq balaadhan baa ka jiray wasaaraddan , gaadh ahaan dadka isku haysta beeraha , wuxuu badali waayay isduwaha ugu xun ee gobolka sanaag ,runti waa wasaaradd u baahan shaandhayn adag seeftuna saaran tahay.
5- Wasiirka Macdanata Xussen Cabdi Ducaale waa wasiirka musuqmaasuqa, waa wasiir lunsaday lacago fara badan oo laga qaaday shirkadaha caalamiga ah ee uu la galay heshiisyadda qarsoodiga aha, iyadoo si gaar ah loo xasuustoo muran la xidhidha sidii dakhliga shirkadaha shidaalka loogu xerayn lahaa qasnadda dawladda oo dhexmaray Wasiirka Macdanta iyo Maxamed Xaashi Cilm xilligii uu hayey xilka wasiirka maaliyadda, waa wasiirka ugu musuqmaasuqa badan masuuliyiinta dawladda Somaliland, kana taajiray lacago malaayiin dollar ah oo uu suuq madow kaga qaatay shirkadaha shidaalka iyo macdanta ee uu heshiisyada qarsoodiga ah la galay, dhorw jeer aya fadexooyinkiisa la soo bandhigay , marka maaha nin si joogaya marxalada soo socota seeftuna way saaran tahay.6- Wasiirka Gaashandhiga Axmed Cadaami waa nin haba yaraatee wax tagaare siyaasadeed ah ka haysan shacabka degaanadda bariga Sanaag ee uu ka soo jeedo, wa ta keenatay imika inuu waxana ka qaban kari waayay shirka puntland loog taageerayo ee ka socda magaaladda Xingalool, waana nin inta badan go’aamadiisa iyo talooyinkiisu dhaliyaan muranno siyaasadeed oo xal u helistooda aad loogu raago, iyo doorkiisi qaawana khilaafki burbruriyay xisbigi kulmiye ( Dulmiye) ,sidaas daradeed Cadaami Seeftu way Saaran tahay .
7- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Garaad, horta waa nin 72 jir ah , xilkan siyaasadeedna aad ayuu uga weyn yahay, waxa ku yimi wasaaraddisa hoos u dhac weyn xaga dhaqdhaqaaqyadii waxqabadd ee wasaaradda uu madaxda ka yahay, iyo inay dhimeen mashaariicdii horumarineed ee wasaaraddu ka heli jirtay hay’adaha caalamiga ah, marka loo eego xilliyadii haweenku wasiirka ka ahaayeen, sida awgeed wasaaraddan waxay u baahan thay haweenay fir fircuun seeftuna way saaran tahay wasiirkan.
8- Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Cukuse , waa wasiir diktitar ah waayo xafladdii xil wareejintiisa waxa loogu wanqalay xukun isugu jira xadhig iyo ganaax iyo xayiraadd wargeyska madaxbannaan ee Hubaal !!, iyo Haatuf oo aanu garanayno , waa nin loo yaqaano afmiishaarnimadiisu xudun u tahay xilal ka kala duwan ee loo magacaabo, iyadoo xilalka loo dhiibo laf-dhabar u yihiin sidii uu u difaaci lahaa cidda magacawday, oo anfac toona u lahayen waxqabadyadda u baahan yahay qaranku sidaas awgeed waa nin saaran tahay seeftu.
9- Wasiirka wasaaradda Caafimadka Salebaan (Xaglo-toosiye) waa nin aan niyadd sami buuxdda ku qabin Somaliland ee uu xilka weyn ka hayo oo uu in badan ka soo horjeeday, had iyo jeerna u hanqal taaga jabhadayntii iyo duurkii uu dagaaladii ugu jiray, balse dantiisa gaarka ah oo keliya u dabran, maadaama malleeshiyo beeleedkii uu hoggaamin jiray oo aan weli hubka dhigin, isagoo dhawr jeerna la duday cadho waanwaano kadibna dib loogu soo celiyey Hargeysaa, ta ugu weyn waa nin ku fashilmay buuhoodle oo ila haatan aan lahayen maamul somaliland ka taliya, marka micno kuma fadhiyo Xaglo toosiye waxana qaba inay Seeftu Saaran tahay .
10- Wasiirka arimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis waa wasiir ku fashilmay siyaasadii arimaha dibadda gaadh ahaan dalalka jaarka nala ah si cadna ducufku uga muuqday qadiyadda somaliland iyo dagaalka culus ee kaga imanayay soomaaliya, runti maaha nin u qalma wasaaraddan ,tayo toona uma hayo qaranka ,waa ni sugaysay seeftu muddo dheer imikana ay hor taagan tahay !!.
11- Iyo kuwa kale sida wasaaradda diinta iyo awqaafta oo runti noqota meel macuunaddasomaliland kaga imaada sacuudiga iyo qadar iyo kuwait xaga timirta iyo kutubta ay sadoqo ahaan ugu tuborucaan somaliland ay wasaaraddan iyo dhowrka sheekh haysta ay ku dhex iibiyaan suuqyadda somaliland, bal eeg buugaga ku qaran waa balaash oo loma ogola iib hadana ku dhex arkaysid suuqyadda iyadoo la iibinyo, akhas dadka diinta ka dhigay iib maaha culumo ee waa munaafiqiin, wasaaradaha kale uu badel ku dhici doono waa Maaliyadda — Cadaaladda — Hawlaha Guud.
Khadar2244@hotmail.com
Mukhtar Cilmi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured