Madaxweynaha Jubaland oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdigii ka socday Turkiga(sawirro)

0
Monday September 01, 2014 - 19:45:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubaland oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdigii ka socday Turkiga(sawirro)

    Kismaayo(xogreebnews.com-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland mudane Sheekh Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dalka dalka Turkiga oo uu horkacayay madax hay’ada gargaarka iyo horumarinta dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo(xogreebnews.com-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland mudane Sheekh Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dalka dalka Turkiga oo uu horkacayay madax hay’ada gargaarka iyo horumarinta dalka Turkiga ee TIKA Ahmed Gocer.Wafdigan oo ka koobnaa laba xubnood ayaa saaka soo gaadhay magaalada Kismaayo. Kismaayo(xogreebnews.com-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland mudane Sheekh Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dalka dalka Turkiga oo uu horkacayay madax hay’ada gargaarka iyo horumarinta dalka Turkiga ee TIKA Ahmed Gocer.Wafdigan oo ka koobnaa laba xubnood ayaa saaka soo gaadhay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa bogaadin kadib wafdigii uga warbixiyay baahida Jubaland uqabto mashaariic horumarineed iyo sida uga baahan yihiin gacan qabashada walaalahooda Turkiga.

Ahmed Gocer ayaa dhankiisa sheegay in laamaha Hay’adaha gargaarka ee dalak Turkigu si dhakhso leh ku imaan doonaan magaalada Kismayo si ay ucaawiyaan walaalahooda reer Jubaland.

Wafdiga ayaa la filayaa in sadax maalin ay ku sugnaadaan magaalada kismaayo.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in wafdigan ay hordhac uyihiin wafdi balaadhan oo ka kooba xisbiga haya talada dalka Turkiga ee AK party oo la filayo in maalmaha soo socda ay Kismaayo yimaadaan.Hoos ka daawo sawirada kulankii dhexmaray madaxweynaha Jubaland iyo madaxa Hay’ada TIKA Ahmed Gocertikajuba4

tikajuba1

tikajuba2

tikajuba3




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured