Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Oo Kulan Xog-Weraysi Ah La Yeeshay Wasiirka Xannaanada Xoolaha

0
Monday September 01, 2014 - 19:36:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Oo Kulan Xog-Weraysi Ah La Yeeshay Wasiirka Xannaanada Xoolaha

    Hargeysa(xogreebnews.com)-Guddida Ilaalinta Hantida qaranka iyo daba galka Musuq-maasuqa u qaabilsan Golaha Wakiilada ayaa maanta kulan xog waraysi ah la yeeshay wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com)-Guddida Ilaalinta Hantida qaranka iyo daba galka Musuq-maasuqa u qaabilsan Golaha Wakiilada ayaa maanta kulan xog waraysi ah la yeeshay wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Hargeysa(xogreebnews.com)-Guddida Ilaalinta Hantida qaranka iyo daba galka Musuq-maasuqa u qaabilsan Golaha Wakiilada ayaa maanta kulan xog waraysi ah la yeeshay wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Gudoomiyaha Guddida ayaa sheegay in Wasiirku noqday Masuulkii u horeeyay ee waxyaabihii ay uga baahnaayeen u keenay “Waxaan halkan ka qirayaa inuu wasiirkani yahay wasiirkii u horeeyay ee intii aanu cid la kulmaynay wixii aanu uga baahanay eenu ka codsanay isagoo sida noo keenay” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddida hoosaadka ilaalinta Hantida qaranka.

Xildhibaan Maxamed Xirsi Obama faahfaahin kama bixin waxa uu Wasiirku u keenay balse waxa uu ku gaabsaday inay ahayd warbixin gaar ah iyo mid guud oo wasaaradda xannaanada xoolaha ku saabsan.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-daahir Cali ayaa isna dhiniciisa ka hadlay arimihii Guddidu ka xog waraysatay “Guddida afartayadii sano wixii aanu qabanay oo qoraal ah ayaanu u keenay.sidaanu miisaaniyaddayada u isticmaalay ayaanu u keenay iyo wax walba wixii aanu ku qabanay, wixii ay na waydiiyeena waanu uga jawaabnay. Warbixin guud oo dhaqaalaha iyo waxqabadkaba ah baanu siinay” ayuu yidhi wasiirku




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured