Isku Shaandhayn La Filayo In Uu Madaxweyne SIILAANYO Uu Sameeyo Iyo Xubnaha Salaanka Waydaaran Doona

0
Sunday August 31, 2014 - 21:19:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Shaandhayn La Filayo In Uu Madaxweyne SIILAANYO Uu Sameeyo Iyo Xubnaha Salaanka Waydaaran Doona

    Hargeysa(Xogreebnews)Waxa Sunnaha hannaanka Dimoqraadiyada kamid ah in hoggaamiyeyaasha Xukuumadaha Nidaamkan ku dhaqmaa marka muddo kasoo wareegto hal mar ay ku sameeyaan xubnaha Golaha Wasiiradooda ka tirsan isku Shaan-dhaweyn, xilka qaadis iyo mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Waxa Sunnaha hannaanka Dimoqraadiyada kamid ah in hoggaamiyeyaasha Xukuumadaha Nidaamkan ku dhaqmaa marka muddo kasoo wareegto hal mar ay ku sameeyaan xubnaha Golaha Wasiiradooda ka tirsan isku Shaan-dhaweyn, xilka qaadis iyo magacaabis cusub, taasoo badi hoggaamiyeyaashu bulshada ugu fasiraan inay tahay tallaabo ay ku dardar gelinayaan habsami-u-socodka hawlaha Qaranka, wallow aanay meesha ka madhnayn xeelado Siyaasadeed oo Xukuumada markaa talada haysaa ku rabto inay dab-demis uga dhigto duufaano kaga kacsan Deegaanada qaar, iyo sidoo kale inay xullafo iyo taageero cusub ku hesho wejiyada cusub.

Hargeysa(Xogreebnews)Waxa Sunnaha hannaanka Dimoqraadiyada kamid ah in hoggaamiyeyaasha Xukuumadaha Nidaamkan ku dhaqmaa marka muddo kasoo wareegto hal mar ay ku sameeyaan xubnaha Golaha Wasiiradooda ka tirsan isku Shaan-dhaweyn, xilka qaadis iyo magacaabis cusub, taasoo badi hoggaamiyeyaashu bulshada ugu fasiraan inay tahay tallaabo ay ku dardar gelinayaan habsami-u-socodka hawlaha Qaranka, wallow aanay meesha ka madhnayn xeelado Siyaasadeed oo Xukuumada markaa talada haysaa ku rabto inay dab-demis uga dhigto duufaano kaga kacsan Deegaanada qaar, iyo sidoo kale inay xullafo iyo taageero cusub ku hesho wejiyada cusub.

Iyadoo uu sidaa badi yahay arimaha iyo ujeedooyinka madaxda Caalamku bud-dhiga uga dhigaan isku shaan-dhaynta Xukuumadahooga, ayaa Somaliland-na sidoo kale waxa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga hadal hayey Fagaareyaasha Siyaasada in Madaxweyne Axmed Siilaanyo Golaha Xukuumadiisa ku sameyn doono isku shaan-dhayn, xilka qaadis iyo magacaabis.

Isku shaan-dhaynta, xilka qaadista iyo magacaabista laga naawilayo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida ilo Xog-ogaal ahi tibaaxeen waxay tallaabadani sahayan doontaa tiradii abid ugu badnayd ee hal mar laga dareeriyo fadhiga Golaha Wasiirada, tan iyo intii uu talada hayey Md. Axmed Siilaanyo, iyadoo sida xogahaa lagu xusay uu bedelkoodu noqon doono wejiyo oo qaarkood abid aanay Saaxada Siyaasada Somaliland meelna kasoo gelin.

Sidoo kale waxa wararka amuurtan la xidhiidha lagu sheegay in ay ka mid yihiin xubnaha Salaanka weydaaran doona Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirka Gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali (Cadami), Wasiirka Diinta Md. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi, Wasiirka Wershadaha Md. Abiib Timacad, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cali Ducaale iyo Wasiirka Cadaalada Md. Xuseen Axmed Caydiid, bedelka xubnahan ayaa sida iluhu tibaaxeen waxa ay ka kooban yihiin xubno qurbe-joog ah oo qaarkood ilaa hadda Debada laga naawilayo, kuwo xilal hoose hadda haya iyo kuwo dalka gudihiisa jooga oo aan wax xil hayn. Waxana wararku intaa ku dareen in Wasiirada bedelka ku iman doona ay ka mid yihiin; Md. Xasan Gaafaadhi oo ahaa Gudoomiyihii Urur Siyaasadeedkii RAYS ee Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ku dhacay, hase-yeeshee kolkii dambe isaga iyo koox Ururka kula jirtay ku biireen Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa hadda lagu wadaa inuu bedel u noqdo Wasiirka ay isku Jifada yihiin ee Duulista.

Waxa kale oo ka mid ah Ragga Salaanka soo halabsan doona Cali Maxamuud Axmed (Sandule), oo hadda ku magacaaban Wasiiru-dawle, balse loo asteeyey Wasaarad buuxda. Waxa intaa raaca oo ku jira Dhiiga cusub ee la filayo in Madaxweyne Siilaanyo dhawaan Ciyaarta Siyaasada soo geliyo Md. Maxamed Ibraahin Qabbo, Badhasaabka Gobolka AWDAL Md. Abdoo Axmed Aayar iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo isagu Garoonka mar labaad kusoo geli doona bedel.

Geesta kale xubnaha Diirada isku bed-bedelku saaran tahay waxa ka mid ah; Wasiirka Arimaha Debada Md. Maxamed Biixi oo Sijaayadiisa u qaadan doona Wasaarada Qorsheynta Qaranka, halka Wasiir Sacad-na u sii sahay qaadan dhinaca Wasaaarada Maaliyada, iyadoo Wadaadkuna {Wasiir Samaale} uu Masalihiisa dhigan doono Wasaarada Madaxtooyada, oo sida lagu waddo Wasiir Xirsi-na uu Arimihii Waddooyinka ula wareegi doono Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.

Dhinaca kale waxa jira ku bedelka xubno aanay magacyadoodu soo gelin Saaxada Siyaasada Somaliland, balse sida xogaha lagu sheegay kasoo jeeda Deegaanada Sanaag iyo Galbeedka Hargeysa loo magacaabi doono Wasaaradaha Gaashaandhiga, Diinta iyo Awqaafta.

Docda kale waxa wararka lagu sheegay in isku Shaan-dhaynta Madaxweyne Siilaanyo aanay ku ekaan doonin Golihiisa Xukuumada Wasiirada oo keliya, hase-yeeshee ay sahayan doonto qaar ka mid ah Badhasaabada Gobolada, Agaasimeyaasha Guud iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee, isku shaan-dhayntan baaxada leh ayaa marka la qiimeeyo baaxadeed iyo waqtiga lagu soo beegay waxay u eg-yahay inay tahay ifafaale Doorasho iyo olole hor leh Xukuumada talada haysaa ugu sii Xaabiyo Biyo dhaansanayso Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabto Badhtamaha Sanadka 2015-ka, hase-yeeshee, Dadka Arimaha Siyaasada falanqeeya ayaa qaba in arintu la mid tahay ‘Ood jiidisteeda iyo qaadisteedu inay tahay isla Guri-geyn’, Sidaa darteed aanay isku shaan-dhayntani Dawo ka noqon doonin tabashooyinka Beelaha qaarkood ay qabaan iyo sidoo kale Xurguftii soo kala dhex galay Xukuumada iyo Xisbul-Xaakimka taasoo dadka arimaha Siyaasada falan-qeeyaa marar dhowr ah ku fasireem mid dhaawac weyn gaadhsiisay kalsoonidii Xisbiga iyo Xukuumada talada hayaa ka haysteen bulshada. Sidoo kale aragtiyo kale ayaa qaba in tallaabada soo saaris la’aanta isku Shaan-dhaynta Xukuumada Somaliland ee muddada la hadal hayey ay u baaqatay iyadoo xiligan Xukuumada Xaaladeedu tahay tii ugu hoooseysay, maadaama xataa dalalkii Deriska dhow la’ ahaa Somaliland kasoo xidheen Albaabadooda, isla markaana dalalkii Somaliland danayn jiray Gacmaha dib uga laabteen, ayey ku sababeeyeen aragtiyahaasi in aanu hadda ku dhici Karin Madaxweyne Siilaanyo isku Shaan-dhayn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured