Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xarunta Sirdoonka Ee Magaalada Muqdisho

0
Sunday August 31, 2014 - 19:11:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xarunta Sirdoonka Ee Magaalada Muqdisho

    Muqdisho(xogreebnews.com-Weerar xooggan ayaa kooxo ka tirsan Al-shabaab waxay ku qaadeen xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir oo ku taalla xabsigii godka jilacoow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Weerar xooggan ayaa kooxo ka tirsan Al-shabaab waxay ku qaadeen xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir oo ku taalla xabsigii godka jilacoow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Muqdisho(xogreebnews.com-Weerar xooggan ayaa kooxo ka tirsan Al-shabaab waxay ku qaadeen xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir oo ku taalla xabsigii godka jilacoow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in qarax xoogan uu weerarku ku billowday, kaasoo ka dhacay bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta, iyadoo qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas xooggan oo u dhexeysay ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo xoogggii weerarka qaaday.
Saldhiggan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka ah ee ay nabadsugidda Somalia ku leeyihiin Muqdisho, halkaasoo ay ku xiran yihiin boqolaal ruux oo loo hasto dambiyo kala duwan.
Wararka qaarood ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, halkaasoo uu is-rasaaseyn ku dhex-marayso ciidanka nabadsugidda iyo xoogagga hubeysan.
Dhowr qarax ayaa laga maqlay gudaha xaruntaas oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu kusoo beegmay weerarkan xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ku jirto Buulo-mareer oo ka mid ahayd xarumahooda waweyn. Ma jirto illaa hadda xog laga hayo khasaaraha dhmashada ah ee goobtas ka dhacay, iyadoo weerarkan uu qayb ka noqonayo weerarro is-xiga oo kooxda Al-shabaab ay ka geysanaysay Muqdisho tan iyo billowgii sanadkan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured