Deegaanka Uubaale Qaranka wuxuu ku leeyahay tixgalin wayn oo taariikheed.

0
Sunday August 31, 2014 - 19:07:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaanka Uubaale Qaranka wuxuu ku leeyahay tixgalin wayn oo taariikheed.

    Sida inta badani ogtahay inta yar ee aan ogaynna lala socodsiinaayo deegaanka uubaale wuxuu leeyahay ahmiyad wayn oo aan marna ka maarmi karin shacbiga somaliland guud ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida inta badani ogtahay inta yar ee aan ogaynna lala socodsiinaayo deegaanka uubaale wuxuu leeyahay ahmiyad wayn oo aan marna ka maarmi karin shacbiga somaliland guud ahaan Sida inta badani ogtahay inta yar ee aan ogaynna lala socodsiinaayo deegaanka uubaale wuxuu leeyahay ahmiyad wayn oo aan marna ka maarmi karin shacbiga somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan caasimada jamhuuriyada somaliland. Uubaale waa meesha ay uga yimaadaan caasimada waxyaalaha daruuriga ah iyo nolosha bulshada ee lagama maarmaanka ah, taasoo ka dhigaysa muhim in xukuumada, golayaasha deegaanka iyo shacbiguba ay siiyaan dadka dagan uubaale tixgalinta iyo qiimaha ay leeyihiin sida ay iyaguba u siiyaan qadarin iyo walaaltinimo xukuumada iyo beelaha degan caasimada iyo shacbiga Somaliland guud ahaan waxaana haboon in lagu dhaqmo xeerka madaniga ah qodobadiisa 806-820 oo cadaynaaya qofkastaa xaquu leeyahay deganaasho iyo qadarin lagu siiyo beertiisa iyo gurigiisa, waxaana uu sharcigu cadaynayaa in mulkiilaha guriga iyo beertu inay xaq u leeyihiin inay helaan wado ay u maraan beertiisa iyo gurigiisa oo uu kula xidhiidho degaanada kale, arintaaso muhim u ah wada noolaasha iyo daris wadaaga iyo nabadgalyada.Degaanka uubaale waxa ka soo unkamay jamaacada waxaana ka sii unkamay hargeisa degaankeeda, waana albaabkii iyo asaaskii caasimada Somaliland, dadkeedu waa dad nabad jecel,samotalis ah, wax badanna u dulqaata iyagoo ilaalinaaya danta qaranka, iyaguna waxa ay xaq u leeyihiin in la siiyo qadarinta ay leeyihiin cidda aan hore ula soconna taariikhdaa maqaalkani ha u noqdo daris. Shacbiga degaankaas oo aan ka mid ahay madax dhaqameedkiisa daacada u ah ilaalinta danahooda iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo waxaan u arkaa in mesha la yidhaahdo masalaha ee kala qaybiyay hargeisa iyo degaanka uubaale lagu wareejiyay dayr taasoo aan inta badan lagala tashan waxgaradka iyo madaxdhaqameed ka soo jeeda degaankaas iyadoo ahayd in wasaarada duulista iyo hawada, dawlada hoose ees hargeysa iyo wasaarada hawlaha guud ay dajiyaan qorshe raali galin kara dadka dagan uubaale isla markaasna xukuumadu ay fushan lahayd nidaamkeeda, iyada oo la siinaayo dadwaynaha dagan uubaale xaqqa ay u leeyihiin inay helaan meel ay u maraan ama gurigooda waxaana layaab ah waxa manta kala xidhan beer nin leeyahay iyo gurigiisii oo mid waliba ku yaalo dacal oo uu kala jaray siliga lagu wareejiyay airport ka oo aan wali si toosa loo samaynin siliga oo ay ka muuqato hal ka leexi hebelna u leexi taasoo siliga ka dhigtay sidii kaadi dibi. Tilamaan ahaan hadaad eegto darbiga madaxtooyada guryaha ku xiga oo uu leeyahay marxuun xashiish albaabka lagama xidhin waxaana la sameeyay darbi loogu talo galay madaxtooyada waxay ahayd sidaasoo kale in mashruucu noqdo mid waxtar u ah qaranka iyo degaanka oo aan abuurin iyo kala fogaansho dadwaynaha iyo xukuumadiisa.Waxaab uga jeeda maqaalka talo bixin u dan ah shacbiga uubaale dagan oo imika u eeg sidii xaalada qaza oo siligu u kala qaybiyay laba dacal.Ugu danbayntii waxaan ugu yeedhaynaa xukuumada iyo cid kasta oo ay khusayso in la saxo waxa khaldan dadkana loo celiyo xaqooda loona garto dadka asalka u leh asaaska hargeysa oo ah caasimada qaranka oo ku soo dhisan tay taladooda, tanaasulkooda iyo daris wanaagooda. Waxaanu ugu yeedhaynaa xukuumada iyo waxgaradja Somaliland in arintaa si deg deg ah waxa looga qabto.Boqor raabi yuusuf cabdilaahi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured