Madaxweyne Siilaanyo Iyo Siyaasiyiin Reer Awdal Ah Oo Ka Kala Tirsan Sadexda Gole Ee Xukuumada Somaliland Oo Kullan Ay Maanta Yeesheen Lagu Kala Kacay

0
Sunday August 31, 2014 - 10:00:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Iyo Siyaasiyiin Reer Awdal Ah Oo Ka Kala Tirsan Sadexda Gole Ee Xukuumada Somaliland Oo Kullan Ay Maanta Yeesheen Lagu Kala Kacay

    Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kullan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay siyaasiyiinta reer awdal kaga jira sadexda gole qaran ee Somaliland. Kullankan ayaa waxaa noo xaqiijiyay illo xo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kullan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay siyaasiyiinta reer awdal kaga jira sadexda gole qaran ee Somaliland. Kullankan ayaa waxaa noo xaqiijiyay illo xogogaala ah oo la socday xubnaha shirka la galay Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kullan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay siyaasiyiinta reer awdal kaga jira sadexda gole qaran ee Somaliland. Kullankan ayaa waxaa noo xaqiijiyay illo xogogaala ah oo la socday xubnaha shirka la galay madaxweynaha qaarkood, waxaana sida la noo xaqiijiyay goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Ujeedada kullankan ayaa daba socday kullan hore oo oday-dhaqameedyada reer Awdal la yeesheen madaxweyne Siilaanyo oo Madaxweynaha loogu soo bandhigay tabashada beelaha galbeedka Somaliland ka qabaan saamiqaybsiga Xukuumada Siilaanyo.

Kullanakan madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha iyo siyaasiyiinta reer Awdal ayaa la sheegay in lagu kala kacay kadib marii uu madaxweyne siilaanyo isku dayay inuu ku qanciyo xubnihii madasha fadhiyay wax aan macno badan lahayn taasoo carabkiisa laga dhandhansanay sida la sheegay nin aan waxba ogolayn in si degdeg ah wax looga qabto tabashada beesha, taas bedelkeeda wuxuu madaxweynuhu ka doorbiday in uu siyaasiyiinta ugu dhiibo fariin ah inay salaadiinta u sheegaan inay Boorama iskaga noqdaan, isla markaana la eegi doono sidii wax looga qaban lahaa wakhtiga ay suurtagal noqoto.
Musuuliyiintan ayaa madaxweynaha u sheegay in Salaadiintu waxan ay u socdaan ay tahay mid xaq ah oo loo baahan yahay in la guda galo oo guddi degdeg ah loo saaro si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka Somaliland, laakiinse aanay marnaba xal noqonayn in Odayada la yidhaahdo iska laabta fara madhnaan, waxaanay sheegeen inay taasi u muuqanayso in odayada dalabkoodii la yaraysto waana arrin laga qurux badan yahay ayay yidhaahdeen.

Salaadiinta Awdal ayaa la sheegay inay dhinacooda quus ka joogaan in marnaba Madaxweyne Siilaanyo ka qanciyo ujeedada safarkooda, Salaadiinta ayaaa ku doodaya wax xaq ah oo qofkasta oo ay usoo bandhigaani ka garaabay, inkasta oo tabashadaasi ka degi wayday Madaxweyne Siilaanyo iyo inta ku xeeeran.

Hadabba, Kullanku markii uu soo dhamaaday kadib siyaasiyiinta ayaa u jeestay dhinacaas iyo Hudheelkii ay Salaadiintu ku jireen ee Hotel Safari, waxaanay usoo bandhigeen fariintii uu madaxweyne Siilaanyo usoo dhiibay, Salaadiinta ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo gaadhsiiyeen dhambaalka madhan ee madaxweynaha, waxaanay usheegeen in arrintaasi xagooda kazoo dhamaatay in loo dulqaatana ay dul qaateen wixii hadda ka dambeeyana ay ka qaadan doonaan talaabada uGu haboon ee dadkii ay ka yimaadeen raali gelin karta.

Odaydhaqmeedyada ayaa haysta kalsoonida ugu weyn ee shacabka gobolada galbeedka, waxaaana la filayaa inay maalmaha soo socda ay qabtaan shir jaraa’id oo ay kula hadlayaan dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa ay metelaan ee gobolada gelbeedka. Shirka jaraa’id ayaa la sheegay inay xigi doonto kullano ay la yeelan doonaan salaadiinta iyo waxgaradka beesha dhexe si ay dareenkooda ugu gudbiyaan isla markaana u xaqiijiyaan jawaabtii quudhsiga lahayd ee ay kala kulmeen Madaxweynaha, isla markaana u cadeeyaan talaabada ay ka qaaadan doonaan ka Salaadiin ahaan.
Isku soo xooriyoo, Salaadiinta ayaa la filayaa inay si adag oo aanay xukuumada Siilaanyo mahadin u hadlaan taasoo la odhan karo Somaliland waxay gashay xaalada madow oo aan la jeclaysan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured