Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Oo Beesha Caalamka U Sharaxday Xaaladda Saax-dheer iyo Qaska Kooxda Cali Khaliif

0
Sunday August 31, 2014 - 08:37:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Oo Beesha Caalamka U Sharaxday Xaaladda Saax-dheer iyo Qaska Kooxda Cali Khaliif

    Hargeysa(Xogreebnews)Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u sharaxday rabshadaha ay kooxda Cali Khaliif ka wadaan Degaanka Saax-dheer.war-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ayaa lagu sheegay in Somaliland haysato K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u sharaxday rabshadaha ay kooxda Cali Khaliif ka wadaan Degaanka Saax-dheer.war-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ayaa lagu sheegay in Somaliland haysato Kalsoonida Shacabka si ay u sugto amaanka xuduudaheeda, waxayna Beesha Caalamka ugu baaqday in Kooxda Cali Khaliif laga joojiyo qaska ay wadaan.

Hargeysa(Xogreebnews)Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u sharaxday rabshadaha ay kooxda Cali Khaliif ka wadaan Degaanka Saax-dheer.war-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ayaa lagu sheegay in Somaliland haysato Kalsoonida Shacabka si ay u sugto amaanka xuduudaheeda, waxayna Beesha Caalamka ugu baaqday in Kooxda Cali Khaliif laga joojiyo qaska ay wadaan.

“Waxa aannu bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay kooxda fallaagada ah ee Cali Khaliif iyo taageerayaashooda ka joojiyaan inay ku kacaan falal dheeraad ah oo lagu waxyeellaynayo amniga, laguna abuurayo deganaansho la’aan ka dhacda magaalada tuulada Saax-dheer ee bariga Somaliland. Beesha caalamka, Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka jaarka waxa ka dhexeeya dano guud oo ay wadaagaan oo khuseeya ilaalinta, adkaynta xasilloonida iyo nabadgelyada, taasoo wax cad oo muuqda ahayd muddada 23-ka sanno ah ee Somaliland jirtay,”

Qoraalka Afhayeenka waxaa lagu sheegay in Kooxda Cali Khaliif iska diiday talaabooyin lagu xalin lahaa khilaafka “Cali Khaliif iyo kooxaha kalee qas-wadayaasha ah ee fallaagada (Khaatumo) waxay iska dhego-mariyeen, diideenna isku dayo lagu doonayey in khilaafka jira lagu xalliyo hannaan nabadgelyo oo wadahadal ah, taas beddelkeediina waxa kooxda Cali Khaliif sii wadeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen degaannada bari ee dalka, ugana fuliyaan falal argagixiso si ay u minjo-xaabiyaan xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku caano-maashay.”

, War murtiyeedkan waxaa lagu caddeeyay in Somaliland haysato Ogolaanshaha iyo Kalsoonida shacabkeeda si ay u sugto amaanka“Dawladda sida dimoqraadiga ah loo doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa haysata awood dawladeed iyo kalsoonida siyaasadeed ee dadweynaheeda si ay u sugto nabadgelyada, una ilaaliso muwaaddiniinteeda, iyadoo sidoo kale awood sharci iyo xaq u leh inay farogeliso, kana fuliso hawlgallo amni gudaha xuduudaha dhulka dalkeeda. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore si cad u muujisay inay ka go’an tahay sidii xal nabadgelyo loogu heli lahaa dhammaanba khilaafaadka jira, iyadoo soo dhawaynaysa fursad kasta oo suurtogeliya inay wadahadal lala yeesho kooxaha gudaha ka wada rabshadaha iyo dalalka dariska ahba.”

Warkan qoraalka ah waxaa lagu sheegay in rabshada u dambeysay ee kooxda Cali Khaliif samaysay tahay dhacdadii Saax-dheer “Si kastaba ha ahaatee, fallaagada Khaatumo waxay dooneen inay qaybo ka mid ah Gobolka Sool ee bariga Somaliland ka abuuraan xiisad, dhaliyaanna rabshado iyo deganaansho la’aan, arrimahaas oo aanay dawladda Somaliland marnaba u dulqaadan doonin. Rabshadihii u dambeeyey ee ka dhacay degaanka Saax-dheer waxay ahaayeen natiijo ka dhalatay hawlgal fallaagada Khaatumo doonayeen inay magaaladaas ka abuuraan, taasoo xiisad ka dhex abuurtay bulshada degaankaas,”

Hadalka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ayaa daba socda Bayaan ka soo baxay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso iyo Wakiilka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. James P. McAnulty, oo wadajir maalintii Jimcaha ugu baaqay dawladda Somaliland inay ciidankeeda kala baxdo degaanka Saax-dheer oo 70km dhinaca koonfur-bari ka xiga magaalada Laascaanood, halkaas oo dagaal khasaare dhaliyey ku dhexmaray ciidanka qaranka iyo malleeshiyaad ilaalinayey Cali Khaliif Galaydh oo la doonayey in madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo-saaro degaankaas maalintii Khamiista.

Qoraalkan waxaa ku saxeexnaa Agaasimaha Xidhiidhka dadweynaha iyo isgaadhsiinta Wasaaradda Khaarajiga Siciid Cali Muuse




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured