Fu'aad Aadan Cadde Oo Ka Hadlay Xaaladda Saax-dheer

0
Sunday August 31, 2014 - 08:33:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fu'aad Aadan Cadde Oo Ka Hadlay Xaaladda Saax-dheer

    Hargeys(Xogreebnews)-La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa degmada Xudun isla markaana maalmo ku sugnaa magaalada burco ayaa waxa uu ka hadlay aragitiisii ku aaddan talaabada ciidanka qaranku ku qabsadeen tuulada S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeys(Xogreebnews)-La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa degmada Xudun isla markaana maalmo ku sugnaa magaalada burco ayaa waxa uu ka hadlay aragitiisii ku aaddan talaabada ciidanka qaranku ku qabsadeen tuulada Saax-dheer ayaa sheegay inuu ..................

Hargeys(Xogreebnews)-La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa degmada Xudun isla markaana maalmo ku sugnaa magaalada burco ayaa waxa uu ka hadlay aragitiisii ku aaddan talaabada ciidanka qaranku ku qabsadeen tuulada Saax-dheer ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in dad Somaliland udhashay ay ku dhintaan gudaha Somaliland. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay dadka khalkhalka ka dhex wada Soomaliland, sidaasina waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyay Bulsho TV.

La-taliyaha Madaxwaynaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay; ”Shan Cisho ilaa meelahaas Burco Ayaan joogay, Maantana Hargaysa ayaa ku suganay,Waana la nabad Qabaa waana la fiican yahay, taasina waa markhaati in aanan marna Putland tegin, Niyadana ku hayn in aan tago”.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay talaabadii ay Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Galeen Degaanka Saax-Dheer Oo kooxda la baxday Khaatumo, waxana uu yidhi; ”Inta warbaahinta ku qoran uun baa Saax-dheer ka war hayaa, Dadka dhintayna aad iyo aad ayaan uga xumay, In somaliland dhexdeeda dhiig ku daatana Ma jecli, cida khal-khal ka wadana dhexdeeda ma jecli, walaahi anigu ciidanka qaranka si gaar ah waxaan u arkaa ciidan fiican oo wanaagsan, Saax-dheer waligay maan arag, Laakiin waxaan u malaynayaa in ay xuduuda ku taalo, Caalamka sidaas darteed inoo leeyahay kasoo baxa”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured