dagaal qadhaadh oo maanta ka dhacay deegaanka buulo mareer iyo ciidamada dawladda oo gacanta ku dhigay baraawe.

0
Saturday August 30, 2014 - 17:16:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dagaal qadhaadh oo maanta ka dhacay deegaanka buulo mareer iyo ciidamada dawladda oo gacanta ku dhigay baraawe.

    Barawe(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur(Siidii) ayaa ka warbixiyay Howlgal Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay aroor hore ka bilaabeen Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Mr Siidii ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barawe(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur(Siidii) ayaa ka warbixiyay Howlgal Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay aroor hore ka bilaabeen Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Mr Siidii ayaa
Barawe(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur(Siidii) ayaa ka warbixiyay Howlgal Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay aroor hore ka bilaabeen Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Mr Siidii ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku guuleesteen in ay si buuxda ula wareegaan Deegaanada Gola-weyn iyo Buulo-Mareer oo horey gacanta ugu jiray Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Sh/Hoose ayaa xusay in xiligan uu joogo Magaalada Buulo Mareer oo Duhurkii maanta ay kala wareegeen Al-Shabaab , waxa uuna intaa raaciyay Gudoomiyaha in Ciidamada ay horey usii socon doonaan ayna ku wajahanyihiin Magaalada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab maamulaan. ‘’Waxaa hada ii Muuqda Meydadka 11-katirsan Al-Shabaab oo ay ka carareen, anaga labo askari ayaa naga dhaawacantay, waxaana hada Joogaa Buulo Mareer waxaana noo qorsheesan in ay kasii gudubno halkaasi oon qabsano Magaalada Baraawe, waxaana kusii daba joognaa firxadka Shabaab’’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Sh/Hoose. C/Qaadir Siidii ayaa sheegay in qabashada Magaalada Baraawe ay ka sahlanaan doonto Buulo Mareer, waxa uu xusay Gudoomiyaha in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay kusii wajahan yihiin Baraawe ayna ka weerarayaan dhoor jiho Magaaladaasi. ‘’ Ciidamada hada waxa ay u dhaqaaqeen qabsashada Magaalada Baraawe waxaana fileynaa in dhawaan halkaasi ka xureyno Shabaab, Baraawe wey ka sahlanaan doontaa qabsashadeeda Buulo Mareer maxaa yeelay Magaaladaasi malahan beero iyo wabiyo socodkeena hakin kara’’ ayuu Yiri Siidii. Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa imaanaya xili maanta uu bilowday Howlgal Dowlada iyo AMISOM ugu magac dareen Badweynta Hindiya, waxaana Maanta Ciidamada huwanta u suurto gashay in Al-Shabaab ka saaraan Deegaano dhoor ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured