Madaxtooyada Madaxweynuhu Kama Taliyo Ee Aamina Weris & Xirsi & Inanka Sodoga Loo Yahay ee Morgan ayaa Inqilaab Ku Haysta By:Asha Jama

0
Saturday August 30, 2014 - 15:41:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Madaxweynuhu Kama Taliyo Ee Aamina Weris & Xirsi & Inanka Sodoga Loo Yahay ee Morgan ayaa Inqilaab Ku Haysta By:Asha Jama

    Waxa Jira in aanu Madaxweynuhu wax Tala ku lahayn Xafiiskiisa waayo waxa wadanka ka socda ee Aamina weris & Wasiirada ku xeeran ay ku hayaan shacabka ayuu ka qaban lahaa, bal eeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Jira in aanu Madaxweynuhu wax Tala ku lahayn Xafiiskiisa waayo waxa wadanka ka socda ee Aamina weris & Wasiirada ku xeeran ay ku hayaan shacabka ayuu ka qaban lahaa, bal eeg
Waxa Jira in aanu Madaxweynuhu wax Tala ku lahayn Xafiiskiisa waayo waxa wadanka ka socda
ee Aamina weris & Wasiirada ku xeeran ay ku hayaan shacabka ayuu ka qaban lahaa, bal eeg
Wasiirka uu adeerka u yahay ee Macdanta ee si isku halayn ah dhawr goor ugu dhawaaqay aniga
sharciguba ima qabto oo shirkada kasta oo aan heshiis la soo galo aniga ayey i qusaysaa oo Barl-
amaanka shaqadooda ma aha, ee xaqii umada ee uu ku soo qaatay magaca S/Land uu acountyo
gaar ah ku shubta ee aan cidi wax ka weydiin karin, cidii tilmaantana uu awoodiisa uu xabis ku gel-
inayo, la ogaa tii Haatuf ku dhacday.
Wasirrka Duulista ee isaguna sida uu kalsoonida ugu qabo Madaxtooyada maalinba cashuurtuu doono
shicibka dul saartaa oo weliba afxumo ku darsada & faan uu leeyahay waxaan ku qabanayo ee ayey
xaasidiin ku yihiin oo isna cashuurtaasi sidaasi ku gurta oo ay jeebkiisa ku dhacdo, oo aan laba cali is-
weydiin.
Wasiirka Madaxtooyada oo shicibkii Gude & Debedba Isbaaro u dhigtay oo isna cashuur uu gacantiisa
ku samaystay Xoolaha & Baabuurta dul dhigtay oo aan isaga cidi ka daba tegin oo aan laysba weydiinin
oo isna faan & Cambaarayn kaga baxa.
Tu Kale, oo ah ka dar oo dibi dhal waa inan sodoga loo yahay oo maamulka Madaxtooyada daaha debe-
diisa ugu jira ee hawshaba gacanta ku haya waa moorgan oo ugu awooda badan oo aan cidna ka qarsoo
nayn oo xiitaa magacii Madaxweynaha sita oo aduunka kula macaamila Astaanta Madaxtooyada isaga oo
aan wax xil ah ka hayn xukuumada.
Markaa Madaxweyne Siilaanyo waa magac u yaal meesha uun laga fushado oo magaciisa wax lagu cuno
oo kursiga noogu fadhi aanu hantida umada gurano, imikana waa lagu ogaaday in aanad talin karinayn
ee adeerkaa Saleebaan gaal hakuu kordhiyo.
waayo wadanka waxa jira ma ogid oo kama hadashid wax kasta oo dhaca oo shir jaari,id ma qaban kartid
oo su,aalo kama jawaabi kartid, oo shicibka ma qancin kartid oo wadankii meel walba gude & debedba waa
dhibaato.
Sidaas darteed, anaga ayaa daaha debediisa ka maamulayna ee noo fadhi
bilaahi tawfiq
Qalinkii Asha Jama




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured