Dawlad Burbureysa Waxaa Lagu Gartaa Iskushaandheyn Badan.( Reshuffle Aan Dhamaaneyn) By: Yusuf Abdilahi Janale–

0
Friday August 29, 2014 - 20:19:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlad Burbureysa Waxaa Lagu Gartaa Iskushaandheyn Badan.( Reshuffle Aan Dhamaaneyn) By: Yusuf Abdilahi Janale–

    Dawlad Burbureysa Waxaa Lagu Gartaa Iskushaandheyn Badan.( Reshuffle Aan Dhamaaneyn) By: Yusuf Abdilahi Janale–

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlad Burbureysa Waxaa Lagu Gartaa Iskushaandheyn Badan.( Reshuffle Aan Dhamaaneyn) By: Yusuf Abdilahi Janale– Wararka maalmaahan ka soo burqanayo xubno ka tirsan qoyska madaxtooyada oo u dhuun daloolaha dhaqdhaqaaqa Qasriga madaxtooyada ka socda ayaa sheegaya In odey Siilaanyo iyo inta ku xeerani ay soo wadaan isku shaandheyn ama reshuffle taasi oo sheegeysa in wasiiro cusub lagu soo dari doono dawlada,qaarna la eryi doono,waxaa kale oo iskushaandheynta ku jiri doona agaasimayaal,badhasaabo,iyo hayadaha madaxbanaan,isku shaandheynta waxaa lagu wadaa in ay dhacdo dhawaan. Marka maamul Dimuraadiyad lagu soo doortay uu u xuubsiibto Kelitalisnimo iyo Diktaatooriyad waxaa ka luma haykalka dawladnimo iyo sunaha maamul ee dalka. Waxaa Maamulkaasi ku dhaca shaki aan dhamaaneyn oo uu ka shakiyo masuuliyiinta uu xilka u magacowday,waxaa ku dhaca isfaham la’aan maamulkaasi iyo shacabkii soo doortay,Marka uu waayo kalsoonidii Ummada wuxuu bilaabaa qof jecleysi,eex.qaraabo kiil,musuqmaasuq xad dhaafa iyo cadaalad daro baahda.waxaa isku dhex yaaca maamulka oo yeesha wax u eg dhawr madaxweyne in ay dalka ka taliyaan oo mid waliba dhankiisa xilal u magacaabo gaarna eryo sida maanta ka taagan Somaliland.Xukuumada maanta talada haysaa waxay ku mashquushay wax la yidhaado isku shaandheyn( reshuffle) aan dhamaaneyn oo joogto ah magacaabis iyo eri,laga soo bilaabo ilaa maalintii ay xukunka wadanka la wareegtey xukuumada siilaanyo waxay iskushaandheyn sameysay in ka badan lix(6)jeer ,4 Afartii sano iyo 2labadii bilood ee ay xilka haysey. Sida la wada ogsoonyahay reshuffleka ama isku shaandheynta xukuumada siilaanyo kuma saleysna aqoon iyo waayo aragnimo ee waxay ku saleysan tahay Eex,Ninjecleysi,Qaraabokiil,Guulwadanimo,iyo yaa ina ogol oo raali ka ah maamulkeena, waxaa hubaala in dadkii aqoonta lahaa ee reer somaliland ay maamulka debeda ka joogaan oo laga doorbidey kuwo aan cilmi iyo caqli fiican aan midna lahayn balse qoyska madaxtooyada u daacada(guulwadayaal ama kaadiriin ama wax madiidayaal).Xukunka siilaanyo wuxuu marayaa halkii macalinkiisii Siyaad Barre marayey 1990,waxaad ka garan kartaa Siyaad Barre wuxuu sameeyey iskushaandheyn (4)afar jeer sanadkaasi 1990 keliya mar shanaad muu sameyn oo wuu burburay maamulkiisii.Gebogebo:-Calaamadaha lagu garto maamulka dumaya ama meesha ka baxaya waxaa kow ka ah Iskushaandheyn fara badan,musuqmaasuq,qaraabo-kiil,eex,ninjecleysi,nin toocsi,iyo maamulkaasi oo kalsoonidii shacabkiisa waaya,waana ta maanta uu ku suganyahay maamulka keli taliska ah ee Siilaanyo, bal aan eegno halka uu siilaanyo iyo maamulkiisu ku danbeeyo.Yusuf Abdilahi JanaleOslo Norway


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured