Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Isugu Yeedhay Xubnaha Reer Awdal Ee Xukuumada Somaliland Kaga Jira Sadexda Gole + Arrintii Salaadiinta Oo Weji Kale Yeelatay

0
Friday August 29, 2014 - 20:04:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Isugu Yeedhay Xubnaha Reer Awdal Ee Xukuumada Somaliland Kaga Jira Sadexda Gole + Arrintii Salaadiinta Oo Weji Kale Yeelatay

    Hargeysa(xogreebnews.com-— Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kullan la yeeshay masuuliyiinta reer awdal kaga jira sadexda gole qaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-— Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kullan la yeeshay masuuliyiinta reer awdal kaga jira sadexda gole qaran Hargeysa(xogreebnews.com-— Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kullan la yeeshay masuuliyiinta reer awdal kaga jira sadexda gole qaran sida golaha wasiirada, golaha baarlamaanka iyo guurtida. Kulankan uu madaxweyne ku xigeenku la yeeshay masuuliyiinta reer Awdal ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo dalabkii Salaadiinta Awdal u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo. C/raxmaan Saylici ayaa la sheegay inuu isagu dalbaday kullankaas, isagoo ku guubaabiyay masuuliyiintii madasha fadhiday inay daba joogsadaan Madax-dhaqameedyada reer Awdal ee Hargeysa u yimid inay u dagaalamaan xuquuqda shaccabka ay metelaan.Wararka ay shabakada Cadceed News helayo ayaa sheegaya in soo jeedinta Madaxweyne ku xigeenka ay siweyn usoo dhaweeyeen kuna ballan qaadeen inay iyagoo wada jira maalinta barri oo jimce ah ay la kulmi doonaan dhamaan salaadiinta reer Awdal ee ku sugan Hotel Safari ee magaalada Hargeysa.Dhinaca kale, Salaadiinta Reer Awdal ayaa kullan ay maanta dhexdooda yeesheen ku go’aansaday in aysan marnaba ogolaan doonin inay gacmo madhan kula noqdaan shacabkii ay ka yimaadeen, waxaana la sheegay in arrintu maanta weji kale yeelatay oo madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay xubnaha ugu miisaanka culculus xukuumadiisa iyo qaar kamida oday dhaqameedyada reer Hargeysa.Salaadiinta Awdal ayaa la wariyay inaysan dalabkooda ku jirin xubno wasiiro iyo agaasimayaal ah oo beelaha gadabuursi saami ahaan loo kordhiyo, balse sida ay odayadu noo xaqiijiyeen ayaa waxaa ka go’an in la helo Formula ama Qaaciido wax lagu wada qaybado oo ay qaytooda helaan sida 25% ama 30 % ha noqoto dhinaca golaha wasiirada, guurtida, baarlamaanka ama shaqaalaha kale ee dawladaba.Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horaysay tan iyo intii ay jirtay Somaliland la arko Oday-dhaqameedyada reer Awdal oo isku mabda’ iyo aragti ka ah nidaamka saami qaybsiga ee maamulka Somaliland.cource Cadceed News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured