Dadweynihii iyo baabuurtii dhex mari jirtay madaarka Hargeysa, waxaan leeyahay mara wadooyinka cusub ee laydiin diyaariyey.” Wasiirka Duulista Somaliland.

0
Thursday August 28, 2014 - 15:04:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweynihii iyo baabuurtii dhex mari jirtay madaarka Hargeysa, waxaan leeyahay mara wadooyinka cusub ee laydiin diyaariyey.” Wasiirka Duulista Somaliland.

    Hargeysa (xogreebnews.com- wasirka wasaaradda duulista iyo hawada somaliland aya qoraal aad u dheer soo dhigay boggisa facebook qoraalkaasina waxaa uu dhignaa sidaan.Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Mudane Maxamuud X

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- wasirka wasaaradda duulista iyo hawada somaliland aya qoraal aad u dheer soo dhigay boggisa facebook qoraalkaasina waxaa uu dhignaa sidaan.Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay Laba wado oo dhex mari jirtay Madaarka Hargeysa oo hada laga duway
Hargeysa (xogreebnews.com- wasirka wasaaradda duulista iyo hawada somaliland aya qoraal aad u dheer soo dhigay boggisa facebook qoraalkaasina waxaa uu dhignaa sidaan.Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay Laba wado oo dhex mari jirtay Madaarka Hargeysa oo hada laga duway halkii ay mari jireen.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in labadan wado uu gooyey xayndaabka loo samaynayo Madaarka Cigaal International Airport, isla markaana ay wadooyinkaas loo duway jihooyin cusub oo ay maraan gaadiidkii iyo dadweynihii adeegsan jiray wadooyinkaasi.
Wasiirka Duuulista oo ay Wehelinayeen Agaaismaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa waxay kormeeray hawl gal lagu banayao wadooyinka cusub, Wasiir Xaashi oo wadooyinkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaa saaka halkan ka socota shaqo balaadhan, sida aad aragtaan gaabyankii ama xayandaabkii loogu tallo galay Garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport oo maraaya meel aad u muhiim ah qayb badana la dhamayastiray sida idiin muuqata qaybina ay qabyo tahay oo ay socto shaqadeedii oo kaabadihi la taagayo, sarfaygiina la dhameeyay, siliga uun hada gacanta lagu hayo, waa shaqo weyn oo qiimo weyn u yeelidoonta Garoonkeena nabadgalyadiisa badqabkiisana kor u soo qaadaysa, waxaanu halkan ka wadnaa laba wado oo midina Garoonka koonfurtii marayso midina waqooyigiisa marayso wadooyinkaasi waxay ahaayeen qaar garoonka dhex mara, oo ka dhex talaaba sida aynu xogogaalka u ahayn dadka iyo xooluhuba way ka dhex talaabi jireen, ilaahay mahadii maanta garoonkeenii wadooyinkaas waynu ka xidhnay waanu sugan yahay, xoolihii iyo baabuurtii dhex mari jiratayna waanu ka dunay”
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa intaasi ku daray “Xukuumadu waxa ay ka fakaraysaa danaha bulshadeeda waxana aanu wadooyinkan u samaynaynaa si dadku aanu dhibaatoon isla markaana baabuurta magaalada ka timaada ee miyiga u socdaa ay maraan wadada woqooyiga, dhinacan kale ee koonfurtana sidaas oo kale ayaanu wado ugu diyaarinay anga oo maslaxada dadkana ilaalinayna nabadgayada iyo badqabka madaarkana sugayna, arintaasi waa wax weyn dadka deegaankana aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa garashada iyo bisaylka ay muujiyeen iyo shaqada ay nala qabteen, dhul ay deganaayeen kuwo ka mid ahi ay sharci u haysateen ayaanu ku qancinay in ay danta guud uga guuraan, mashruucaa baaxada leh hal qof kuma dhiman, cidina kuma dhaawacmin cid kalena dhibaato kama ay soo gaadhin, ilaahay ayaanu ugu mahad naqaynaa”
Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena waxa uu fariin u diray dadweynaha iyo gaadiidlayda adeegsan jiray wadooyinkaas Madaarka laga duway waxaanu yidhi “waxaan halkan fariin uga dirayaa dadweynaha deegaanka ee yaqaanay in ay madaarka ka dhex talaabaan ama baabuurtii dhex mari jirtay madaarka, waxaan leeyahay mara wadooyinkaas laydiin diyaariyey, dadweynaha waxa aan leeyahay meelaha xayndaabku ka furan yahay ee hada la wado, ha ku soo lu’go’ina waad ku xanibmaysaane , waxa kaliya ee la adeegsan karaan waa labadaa wado ee madaarka dhinacyada ka mara hadii ay tahay lug iyo hadii ay tahay gaadiidba, dadka waxaanu leenahay u dulqaata maslaxadeena, arintu yaanay inga noqon arki jire doon iyo qofku in uu dantiisa uun ka fikiro , guul iyo lib Qaran ayey inoo tahay madaarkeenii oo xayadaab sugan yeeshay, aynu isu dul qaadano walaalayaal, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo shirikada China Hono Group oo nugu cawisay qalabka wadooyinka lagu banaynayo, sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa Dawlada Hoose ee Hargeysa oo aanu iska kaashanay samaynta wadadaas dhinaca waqooyiga ka marta Madaarka.” Ayuu yidhi Mudane Maxamuud Xaashi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured