Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Xaqiijiyay In Ciidanka Qaranka Somaliland La Wareegay Gacan Ku Haynta Saax-dheer

0
Thursday August 28, 2014 - 11:59:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Xaqiijiyay In Ciidanka Qaranka Somaliland La Wareegay Gacan Ku Haynta Saax-dheer

    Laascaanood(Xogreebnews) Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa saaka ku waabariistay Degmada Saax-dheer oo mudooyinkii u dambeeyay fadhiisin u ahayd Kooxda Cali Khaliif. Ciidanka ayaa halkaasi ka Eryay Maleeshiyada Kooxda iyo sidoo kale Dadkii ka qayb ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood(Xogreebnews) Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa saaka ku waabariistay Degmada Saax-dheer oo mudooyinkii u dambeeyay fadhiisin u ahayd Kooxda Cali Khaliif. Ciidanka ayaa halkaasi ka Eryay Maleeshiyada Kooxda iyo sidoo kale Dadkii ka qayb gali lahaa Caleemo Saarka Cali Khaliif oo Saaka loogu balansanaa Magaaladaasi.

Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa BBC u sheegay in saaka hawlgal ay sameeyeen ciidamadiisu ay kula wareegeen tuulada Saax-Dheer iyo hareeraheedaba.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro Gaadiid iyo hub laga qabtay Maleeshiyada Khaatumo oo iyadu Saax-dheer iskaga cararay. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay khasaaraha dagaalka balse Salaaddii hore ee Saaka ayuu ciidanku la wareegay magaalada ka dib dagaal doraad kooxda iyo ciidanka ku dhex maray Degaanka Daba-taag oo xogaa u jira Saax-dheer.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa u jeedadiisu la xidhiidhaa inuu baajiyo Caleemo saar lagu waday in Cali Khaliif Lagu Caleemo Saaro Saaxdheer ka dib markii dodobaad ka hor loo doortay hogaamiyaha Kooxda Khaatumo.

ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo Kooxda Khaatumo iyo wufuud Caleemo saar ka ka qayb galilahayd balse waxay wararku sheegayaan inay dhinaca Itoobiya u talaabeen.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured