Ciidamada Somaliland oo baacsaday dagaal ooge cali khaliif,lana wareegay deegaankii lagu doortay,khasaarihii goobtaas ka dhacay oo xogreeb xog idiinka hayso

0
Thursday August 28, 2014 - 10:37:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Somaliland oo baacsaday dagaal ooge cali khaliif,lana wareegay deegaankii lagu doortay,khasaarihii goobtaas ka dhacay oo xogreeb xog idiinka hayso

    Saax dheer, (xogreebnews.com-- Ciidadmaa Qaranka Somaliland ayaa Saaka Waabarigii Weerar ku qaaday Magaalada Saax dheer oo Maleeshiyada khaatumo ay qorshaynayeen in lagu caleemo saaro Cali Khaliif Galaydh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saax dheer, (xogreebnews.com-- Ciidadmaa Qaranka Somaliland ayaa Saaka Waabarigii Weerar ku qaaday Magaalada Saax dheer oo Maleeshiyada khaatumo ay qorshaynayeen in lagu caleemo saaro Cali Khaliif Galaydh.

Saax dheer, (xogreebnews.com-- Ciidadmaa Qaranka Somaliland ayaa Saaka Waabarigii Weerar ku qaaday Magaalada Saax dheer oo Maleeshiyada khaatumo ay qorshaynayeen in lagu caleemo saaro Cali Khaliif Galaydh.

Waxaanay Wararku intaa ku darayaan in ciidanku qaranku ay gabi ahaanba gacanta ku dhigeen tuulada Saaxdheer.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Radio Hilaac u sheegay in ciidamada Qaranku ay Maleeshiyada Khaatumo ay ka gubeen saddex gaadhi halka ay saddex kalana gacanta kaga dhigeen, iyadoo ay degan tahay xaalada deegaanka Saaxdheer oo hada ay gacanta ku hayaan ciidanka Qaranku.

Sarkaalkan ayaan sheegin wax khasaare ah oo labada dhinacba soo gaadhay.

Deegaanka Saax-dheer ayaa la qorshaynayey in xaflad caleemo saar loogu sameeyo madaxweynaha dhawaan loo doortay Khaatumo, isla markaana wufuudii ka qayb galaysay Caleemo saarka Cali Khaliif iyo Maleeshadii Khaatumo ayaa Cagaha wax ka dayey kana Baxsaday Deegaanka Saax-dheer halkaasi oo aan ilaa hada aan la ogayn meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured