Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Amba Baxay Dalka Turkiga Si Uu Uga Qaybgelo Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Turkiga.

0
Wednesday August 27, 2014 - 16:20:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Amba Baxay Dalka Turkiga Si Uu Uga Qaybgelo Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Turkiga.

    Muqdisho(xogreebnews.com-— Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-— Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo
Muqdisho(xogreebnews.com-— Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan xafladda caleemo saarka loo sameynayo Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga uu hogaaminayo waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana Wafdiga Madaxweynaha garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka ah Madaxda lagu casuumay ka qeyb galka munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan oo dhawaan ku guuleystay doorasho Madaxtinimo oo dalka Turkiga ka dhacday, iyadoo maalinta berrito ah lagu wado in uu si rasmi ah ula wareego xilka Madaxtinimada dalkaasi.
Tan iyo markii uu Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan uu ku guuleystay xilka Madaxtinimo ee dalkaasi ayaa waxaa Muqdisho lagu qabto kulamo kala duwan oo lagu taageerayay Mr Erdogan oo kaalin weyn ka qaatay u gurmashada shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii sanadkii 2011-ka uu booqasho taariikhi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
xogreebnews.com office Muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured