MADAXWEYNE siilaanyo oo tacsi tiiraanyo leh u diray Marxuum Aadan Maxamed Wiilad

0
Wednesday August 27, 2014 - 16:15:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE siilaanyo oo tacsi tiiraanyo leh u diray Marxuum Aadan Maxamed Wiilad

    MADAXWEYNE siilaanyo oo tacsi tiiraanyo leh u diray Marxuum Aadan Maxamed Wiilad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE siilaanyo oo tacsi tiiraanyo leh u diray Marxuum Aadan Maxamed Wiilad
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Aadan Maxamed Wiilad oo ku geeriyooday 27/08.2014 Magaalada Hargeysa, laguna aasay.Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Dawladihii kala danbeeyey ee Somaliland, markii ugu danbaysayna ahaa Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, wakhtigii Daahir Rayaale kaahin xukunka hayey.Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured