Xabbad Joojin Ka Hirgashay Qaza iyo Falastiiniyiinta Oo Guul U Dabaal Degaya

0
Wednesday August 27, 2014 - 12:06:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabbad Joojin Ka Hirgashay Qaza iyo Falastiiniyiinta Oo Guul U Dabaal Degaya

    Qaza(xogreebnews.com-Falastiiniyiinta ayaa u dambaal degaya guul ay sheegeen inay ka gaadheen Dagaalkii 7-da todobaad socday ka dib markii Falastiiniyiinta iyo Israel isku raaceen Xabad joojin Rasmi ah oo aan wakhti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaza(xogreebnews.com-Falastiiniyiinta ayaa u dambaal degaya guul ay sheegeen inay ka gaadheen Dagaalkii 7-da todobaad socday ka dib markii Falastiiniyiinta iyo Israel isku raaceen Xabad joojin Rasmi ah oo aan wakhti

Qaza(xogreebnews.com-Falastiiniyiinta ayaa u dambaal degaya guul ay sheegeen inay ka gaadheen Dagaalkii 7-da todobaad socday ka dib markii Falastiiniyiinta iyo Israel isku raaceen Xabad joojin Rasmi ah oo aan wakhti

loo qaban lana filayo inay noqoto mid waarta.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay inay Hir gashay Xabbad joojintu islamarkaana ay aqbaleen dhamaan dhinacyada ay khusaysay. Waxa uu u mahadceliyay dawladda Masar, Qadar iyo Maraykanka oo suuro galiyay xabbad joojinta. Waxa uu sheegay inuu dhamaaday wakhtigii haysashada islamarkaana ay dhisi doonaan qaran cusub.

Warbaahinta Israel iyo Wakaaladaha Wararka ee Reuters iyo AFP ayaa wariyay in Israel aqbashay xabbad joojinta islamarkaana ay hirgalisay.

Ururada Hubaysan ee Falastiin, sida Xamaas iyo Jihaadal Islam, ayaa masuuliyiin u hadlay sheegeen inay aqbaleen xabbad joojinta, kuwaasi oo ku tilmaamay xabbad joojinta Guushii iska caabiyeyaasha Israel.

Xabbad joojinta ayaa lagu heshiiyay in Xayiraada laga qaado Falastiin ka dib mudo sideed sano ah oo ay Xayiraadi saarnayd. Xabbad joojinta ayaa u suuro galinaysa falastiin inay u furnaadaan Badda, Barriga iyo Hawadda. Falastiiyiinta ayaa sheegaya inay madaarada iyo Dekaddaha dhisanayaan haddii mar kale la soo weerarana ay weerarayaan mar kale kuwa Israel.

Falastiiniyiinta ayaa ku damaashaadaya dariiqyada Duqaynta Israel daashatay mudooyinkii u dambeeyay, iyagoo aaminsan inay ku guulaysteen u jeedadoodii dagaalka.dadka ayaa ku faraxsan ka qaadista xayiraada dhulkooda, baddooda iyo hawadooda. Waxay kor u taagayaanGacmaha iyagoo samaynaya Calaamadda V ee muujisa Guusha.

Falastiiniyiinta ayaa dagaal adag u galay Sidii xayiraada looga qaadi lahaa, iyadoo dhawr jeer diiday xabad joojinta.

Ilaa laba kun oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 2 bilood oo dagaalku socday iyadoo Israel inta la ogyahay ay kaga dhinteen ku dhawaad 80 Askar ah.

XOGREEBNEWS-desk

-


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured