Toogashada Ka Dhacday Madaarka Djibouti Oo Ku Soo Beegantay Xilli Xukuumadda Madaxweyne Geelle Damacsanayd In Maanta Xabsiga Laga Sii Daayo Saddex Wadaad

0
Tuesday August 26, 2014 - 08:40:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogashada Ka Dhacday Madaarka Djibouti Oo Ku Soo Beegantay Xilli Xukuumadda Madaxweyne Geelle Damacsanayd In Maanta Xabsiga Laga Sii Daayo Saddex Wadaad

    Djibouti (xogreebnews.com- Toogasho rasaaseed ayaa la sheegay in shalay galabnimadii ay ka dhacday Madaarka magaalada Djibouti, halkaas oo uu daqiiqado ka hor ka degay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo safar dibadda ah ka soo laabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djibouti (xogreebnews.com- Toogasho rasaaseed ayaa la sheegay in shalay galabnimadii ay ka dhacday Madaarka magaalada Djibouti, halkaas oo uu daqiiqado ka hor ka degay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo safar dibadda ah ka soo laabtay. Djibouti (xogreebnews.com- Toogasho rasaaseed ayaa la sheegay in shalay galabnimadii ay ka dhacday Madaarka magaalada Djibouti, halkaas oo uu daqiiqado ka hor ka degay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo safar dibadda ah ka soo laabtay.
Warkan oo xalay caweysintii soo baxay ayaa waxa baahiyay wakaaladaha afka Faransiiska ku hadla qaarkood iyo laanta Af-Soomaaliga ku hadasha ee idaacadda Codka Maraykanka (VOA), waxaanay sheegeen in toogashadaas ay ku dhaawacmeen laba qof, iyadoo askarigii rasaasta ridayna gacanta lagu qabtay.La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in Madaxweyne Geelle uu Madaarka ka baxay toban daqiiqo ka hor toogashada.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka ilaalada Jamhuuriga oo ah ciidanka qaabilsan ammaanka iyo nabadgeliyada Madaxweynaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidankaasi uu rasaas furay, isaga oo dhaawacay laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa Dr Idiris Cabdi Galab oo isagu ah sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada jamhuuriga ah isla markaana qaabilsan caafimaadka Madaxweynaha.
La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti ayaa VOA da u sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay askariga rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.
Toogashadan ayaa sidoo kale ku soo beegan xilli ay dawladda Djibouti qorshay inay maanta xabsiga ka sii dayso saddex waddaad oo muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa dalkaas, kuwaas oo hore xabsiga ugu taxaabtay markii lagu eedeeyay inay abaabulayeen falal ka dhan ah ammaanka Djibouti, iyadoo aanay wararka siideynta culimadan sheegin wax shuruud ah oo lagu xidhay siideyntooda, isla markaana aanay caddayn sababta ay dawladda Djibouti siideyntooda ku go’aansatay. Saddex wadaad ayaa kala ah Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir iyo Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad iyo Sheekh Giireh Maydal..
Toogashada ka dhacday Madaarka Djibouti shalay ka dhacday ayaa ah falkii ugu horeeyay ee noocan ah ee dalkaas ka dhaca siddeedii sannadood ee u dambeeyay sida ay sheegtay Wakaalad Shiinaha laga leeyahay oo la yidhaahdo French-China.org.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured