Madaxweyne Siilanyo oo maanta u soo baqooli doono Hargeysa +Cali Xoorxoor oo qaybinaya kiradii Berito ee wadada berbera-Hargeysa

0
Tuesday August 26, 2014 - 08:38:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo oo maanta u soo baqooli doono Hargeysa +Cali Xoorxoor oo qaybinaya kiradii Berito ee wadada berbera-Hargeysa

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Sida masuuliyiin sarsare ooo ka tirsan Qasriga Madaxtooyada u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews Madaxweyne Siilanyo iyo Marwadiisa Amina Weris ayaa la filayaa in goor hore oo aroorta ah ka soo baqoolan magaalada Berbera, u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Sida masuuliyiin sarsare ooo ka tirsan Qasriga Madaxtooyada u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews Madaxweyne Siilanyo iyo Marwadiisa Amina Weris ayaa la filayaa in goor hore oo aroorta ah ka soo baqoolan magaalada Berbera, una soo jihaystaan Qasrigooda Hargeysa. Hargeisa-(xogreebnews.com-Sida masuuliyiin sarsare ooo ka tirsan Qasriga Madaxtooyada u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews Madaxweyne Siilanyo iyo Marwadiisa Amina Weris ayaa la filayaa in goor hore oo aroorta ah ka soo baqoolan magaalada Berbera, una soo jihaystaan Qasrigooda Hargeysa.
Waxay xogguhu intaa ku darayaan in magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa la soo tubi doono waxooga dad oo caleemo qoyan iyo calanka Kulmiye lulaya oo maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoorxoor calooshooda kiraystay si ay madaxweyne Siilanyo iyo Marwadiisa Amina weris u marxabaysiiyaan oo niyada ugu dhisaan Ha yeeshee dadkaa quluubtoodu waxay taageertaa Xisbiga ucid.

Sida qaalibka marka Madaxweyne Siilanyo u safraayo Gobolka Saaxil waxaa maraanmara dhamaan magaalooyinka teedsan wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa maareeyaha dekeda Berbera Cali xoorxoor oo Jawaano lacaga sida,wuxuuna lacagtaas u qeybiyaa dadweynaha degan magaalooyinkaas si ay ugu soo baxaan soo dhaweynta Madaxweyne Siilanyo iyo Marwadiisa, isuna soo tubaan wadada laamiga hareeraheeda iyagoo caleemo qoyan ruxaya balse marka madaxweyne Siilanyo iyo marwadiisu gudbaan waxay dadkaasi isurogaan taageerayaal xisbiga Ucid, keliya inta madaxweyne Siilanyo maraayo wadada ayaa loo muujiyaa taageero afka ah oo lacag badan lagu kharash gareeyay.
Isku soo wada duuboo waxaa tan iyo caawa maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoorxoor iyo hawl-wadeeno ka tirsan dekedu ku mashquulsanaayeen qaybinta lacagtii wadada loogu kiraynaayey madaxweyne Siilanyo Beri subax oo uu u soo baqooli doon dhanka Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured