Wasiirka Duulista Somaliland Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Khilaaf Wasaaraddiisa Iyo Ciidanka Qaranka Dhex Maray.

0
Monday August 25, 2014 - 19:41:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Somaliland Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Khilaaf Wasaaraddiisa Iyo Ciidanka Qaranka Dhex Maray.

    Hargeysa(Xogreebnews.com-Wasiirka wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii u horaysay faahfaahin ka bixiyay Muran soo kala dhex galay Wasaaraddiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews.com-Wasiirka wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii u horaysay faahfaahin ka bixiyay Muran soo kala dhex galay Wasaaraddiisa
Hargeysa(Xogreebnews.com-Wasiirka wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii u horaysay faahfaahin ka bixiyay Muran soo kala dhex galay Wasaaraddiisa iyo Ciidanka Qaranka, kaasi oo ku salaysnaa Xayndaab lagu wareejinayay Madaarka Hargeysa oo soo gaadhay Xeryaha Ciidanka Qaranka ka dibna Ciidanku dumiyay Dayrkii Wasaaradda Duulistu wadday.
Wasiirka oo Maanta hor yimid guddida Arimaha bulshada oo warbaahintu waydiisay halka arintaasi marayso waxa uu sheegay in Arintaasi Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka loo gudbiyay xalinteeda, haddana ay gacanta ku hayaan.
“Dawlad ahaan Ciidanka Qaranka iyo Wasaaradda Duulistu waa isku xukumad.ma qarinayo in is-fahan darro soo baxday oo runtii been la sheegi maayo, haseyeeshee anagu dhul ma kala lihin.Anagu meeshan aanu xidhayno dee Maxamuud Xaashina Xidhan maayo wasaaraddina xidhan mayso ee Madaarkeenii ayaynu u xidhaynaa. Xeryaha Ciidamada qaranka lagu xad gudbi maayo xerooyinkana la xidhi maayo.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Ciidamada Qaranka ee M Gaasta iyo Ciidamada qaranka ee Kamaandowsta labaduba way ka baxsan yihiin xayndaabka.Xerada Ciidanka Cirku waligeedba wasaaradda duulista ayay ka tirsanaayeen oo gudahay ku jirayaan, hadiii Isfahan daro soo baxdayna gacantaa arintaas lagu hayaa oo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo Raggii Masuulka noo ah ayaa isku kaaya toosinaya oo wax dhiilo ahi ma jirto ee wax wanaagsan baa inoo socda” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured