MA DHABBA IN Hargeysa lagu qabtay Idaacad u socotay Jabhad uu sameeyay Madaxweynaha Kililka 5-aad -Cabdi Ileey oo looga yeeray Addis Ababa iyo cabsi laga qabo dagaal

0
Monday August 25, 2014 - 19:32:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA DHABBA IN Hargeysa lagu qabtay Idaacad u socotay Jabhad uu sameeyay Madaxweynaha Kililka 5-aad -Cabdi Ileey oo looga yeeray Addis Ababa iyo cabsi laga qabo dagaal

    Hargeisa(xogreebnews.com-Ciidanka Nabad-sugida Somaliland ayaa Magaaladda Hargeysa ku qabtay Idaacad FM Radio ah oo ku socotay dalka Ethiopia. Ragga watay Idaacadda lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay ka tirsanaan jireen jabhadda ONLF hasse yeeshe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Ciidanka Nabad-sugida Somaliland ayaa Magaaladda Hargeysa ku qabtay Idaacad FM Radio ah oo ku socotay dalka Ethiopia. Ragga watay Idaacadda lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay ka tirsanaan jireen jabhadda ONLF hasse yeeshee ay hada ka mid
Hargeisa(xogreebnews.com-Ciidanka Nabad-sugida Somaliland ayaa Magaaladda Hargeysa ku qabtay Idaacad FM Radio ah oo ku socotay dalka Ethiopia. Ragga watay Idaacadda lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay ka tirsanaan jireen jabhadda ONLF hasse yeeshee ay hada ka mid yihiin jabhad cusub oo ka dagaalami doonto gudaha Ethiopia.
"Anaga waxaan hoos tagnaa Madaxweynaha Kililka 5-aad Cabdi Maxamud Cumar Ileey,waad noo wici kartaan.waxaana nahay jabhad cusub oo loo sameeyay inay difaacdo dhulka Somalida" ayey yiraahdeen ragga lagu qabtay Hargeysa.
Sirdoonka Somaliland ayaa la soo weriyay inay xogtaan u gudbiyeen Addis Ababa taas oo sababtay in Saraakiil ka socda Sirdoonka Ethiopia degdeg ku tagaan Hargeysa.
Somaliland waxay rageey qabatay uga faa-iideeysaneysaa khilaaf mudo dheer kala dhaxeeyay Madaxweynaha Kililka 5-aad DDSI oo la rumeeysan yahay inuu ku lug lahaa xasuuq lagula kacay dad u dhashay qabiilka Isaaqa.
Dowladda dhexe ee Ethiopia ayaa shalay Madaxweyne Cabdi Ileey uga yeertay Addis Ababa hasse yeeshee waxay ila wareedyo muhiima sheegayaan inuu qaadacay.
Xukumadda Ethiopia waxay dooneysaa inuu xilka iskaga dego Cabdi Ileey maadama ay sii kordhayaan dacwado ka dhana .
Cabdi Ileey wuxuu Jigjiga iyo degaano hoos taga gaarsiiyay horumar hasse yeeshee waa nin naxariis daran ,oo lagu tilmaami karo hogaamiye safka hore uga jira kuwa loo yaqaan calooshood u shaqeeystayaasha Geeska Afrika.
Arrimaha lagu amaani karo Cabdi Ileey waxaa ka mida inaan qof Somalia lagula hadli karin Jigjiga iyo dhalaanka Soomaaliyeed wax ku bartaan afkooda hooyo.
Labadaas guulood ayaa sabab looga dhigi karaa arrimaha ugu weyn ee Xabashida u dooneysa inay xilka qaadis iyo Xabsi dheer iskugu daraan Cabdi Ileey.
Sikastaba ha ahaatee, Sirdoonka Ethiopia iyo Kan Somaliland waxay labadaba xaqiijiyeen inuu Cabdi Ileey sameeysanayo Jabhad cusub oo dagaal la gasha Xukumadda Ethiopia hadii ay faraha kala bixi waayaan arrimaha gobolada Somalida Ethiopia
COURCE WAAGA CUSUB



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured