Maxaa kala heysta wasiir Xirsi iyo marwada Amina Weris oo doonaysa in xilka laga qaado By-Abdi Mustafe

0
Monday August 25, 2014 - 19:23:22 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kala heysta wasiir Xirsi iyo marwada Amina Weris oo doonaysa in xilka laga qaado By-Abdi Mustafe

    Wasiirka madaxtooyada oo ah ninka uugu hawl karsan xukuumada Silaanyo ayaa waxa uu meel u cag dhigo ka la’yay marwada madaxweynaha Amina Weris oo uu dabada ka riixayo wiilka ay sodohda u tahay Morgan. Silaanyo waxay ka dalbatay in wasiirka xilk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka madaxtooyada oo ah ninka uugu hawl karsan xukuumada Silaanyo ayaa waxa uu meel u cag dhigo ka la’yay marwada madaxweynaha Amina Weris oo uu dabada ka riixayo wiilka ay sodohda u tahay Morgan. Silaanyo waxay ka dalbatay in wasiirka xilka laga qaado.
Wasiirka madaxtooyada oo ah ninka uugu hawl karsan xukuumada Silaanyo ayaa waxa uu meel u cag dhigo ka la’yay marwada madaxweynaha Amina Weris oo uu dabada ka riixayo wiilka ay sodohda u tahay Morgan. Silaanyo waxay ka dalbatay in wasiirka xilka laga qaado. Silaanyo ayaan isaguna lahayn indha kale oon Xirsi ahayn oo aad uugu kalsoon kuna gacan saydhay dalabkii afadiisa. Xirsi oo daacad u ah madaxtooyada oo weliba marar badana ka qabtay khaladaad ay Amina Weris ku kici lahayd oo madaxtooyada ceeb badan u soo jiidi lahaa ayaa hadana aanay Amina Weris indhaha ka arki karayn Wasiir Xirsi, oo laba daraale ay ku heysato Silaanyo ayaa ku jecel. Cuqdada kale ee Amina Weris wareerisay baa iyana ah inay is tidhaa beesha odeygeeda iyo Xirsi ka soo jeedaan in ay Silaanyo u naceen iyada daraadeed oo run na ah. Ayaan darada kale ee Amina Weris ku habsatay baa iyana ah in aanay gacanta uugu jirin beeshii iyadu ay ka soo jeeday. Sidaa darteed labada dhinac ba dab baa kaga baxaya Amina Weris oo waxay saaka Berbera uugu jiiday Silaanyo waxa weeye oo ay ka war heshay shir qarsoodi ah oo beesha ay ka soo jeedaa Berbera ku qabsadeen iyagoo lahaa aynnu UCID taageerno. Isla markiiba waxay canaan dusha uuga tuurtay maareeyaha dekeda iyo maareeyaha haamaha iyo qar kaloo badan oo madax Kulmiye ah oo ay tidhi siduu shirkaasi u qabsoomay idinkoo jooga. Runtii madaxda ay canaanatay shirka wey ogaayeen waxba se kamay qaban karayn. Iyaduna waxay ka soo bedeli kartaa mowqifka beesheeda ma jirto oo Amina Weris siyaasada ma taqaan weliba dabeecad xumo ayay ku darsatay. isku soo xoori oo waxa ay Amina Weris aad uuga walaac santay in si kastaba ha u dhacdee ay madaxtooyada dhoqso uuga baxdo oo waxay isku dayeysaa in ay sii joogto oon u muuqan in ay suurta gal tahay waqtigan. Waxay kale oo aad uuga xuntay odeygeedii oo ay ogtay in aannu hayn itaal uu dalka ku sii heysto. Waxba Amina Weris kuma aha inay tidhaa anaaba is sharxaya xukun jacayl dartii.
Abdi Mustafe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured