Salaadiinta Waaweyn Ee Awdal Oo Naqdiyay Qabyaalada Foosha Xun Ee Taala Hargeysa Iyo Aqoon-yahanno Taageerray

0
Monday August 25, 2014 - 17:54:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaadiinta Waaweyn Ee Awdal Oo Naqdiyay Qabyaalada Foosha Xun Ee Taala Hargeysa Iyo Aqoon-yahanno Taageerray

    Hargeysa(xogreebnews.com-Annaga oo ka mid ah Dhalinyarada Deggan Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaanu si kal iyo laab ah u soo Dhowaynaynaa,uguna Bogaadinaynaa,salaadiinta,cuqaasha,iyo wax-garadka gobolada galbeedka Somaliland ,baaqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Annaga oo ka mid ah Dhalinyarada Deggan Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaanu si kal iyo laab ah u soo Dhowaynaynaa,uguna Bogaadinaynaa,salaadiinta,cuqaasha,iyo wax-garadka gobolada galbeedka Somaliland ,baaqa Hargeysa(xogreebnews.com-Annaga oo ka mid ah Dhalinyarada Deggan Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaanu si kal iyo laab ah u soo Dhowaynaynaa,uguna Bogaadinaynaa,salaadiinta,cuqaasha,iyo wax-garadka gobolada galbeedka Somaliland ,baaqa ay u soo jeediyeen Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka,oo Beryahan Danbe Caddaystay Sidii ay shacabka walaalaha ah ee Imika uun ka soo Kabanaya Burburkii iyo Rafaadkii ay kaga tageen Raadadkii Dagaaladu,ugu dhex tuuri lahaayeen Tafaraaruq iyo Qabyaalad,aynu ognahay,inaan laga dhaxlin wax aan ka ahayn kala tag iyo burbur. Waxa wax lala yaabo ah in Rag Siyaasiyiin ah oo Dalkan ka quud-daraynaya Mustaqbal Siyaasadeed, Inay Maalin Kastaba Halgan ugu jiraan,una Tafaxaydan Yihiin,sidii ay Xadhigii la Xidhaba u kala furi lahaayeen,shalay bay ahayd markii dadkan tafaraaruqii ku dhacay,odayaasheennu ilaahay uun ku Garabgalay ee dirqi iyo tuxun laysugu soo jiiday,ee laysugu keenay,kuwa Siyaasiyiinta sheeganaya ee maanta oo lagu tallo jiro in halka aynu maraynno ee nabad-gelyada iyo Horumarka ALLE innagu Galladay,in hore looga sii socdo,doonaya inay durbaan olole qabyaaladeed dadka u tumaan.Waxaanu leenahay Adeer MAGAADAYN,XABUUSHAYN IYO KUUL CARRAYNI toonna dadku aqbali Maayaaane’ ha ku toobbad seegina’e, sheeko kale, malaa inaad uga wareegtaan,ayaad ficilkan gurracan Iyo fidnadan idiin dhaami lahayd. Midna ogaada,waar nimanyow madax-tinimadu sideedaba qarja-jac iyo fidmo abuur kuma timaado’e, Waa hibo ka timaada xagga rabi,hadday kuu qoran tahay waad heli haddaanay kuu qorayna inaad hesho Ha sugin,in lagu doonana maaha madax-tinimo,habdhaqan iyo afcaal horseedda qaran jab,iyo god-Dalooladeena oo cadawga loo muujiyo.Waxaannu duco iyo mahadba halkan uga diraynnaa madaxdhaqameedka is xilqaamay ee had iyo jeer Nabadda iyo deganaanshaha ka shaqeeya,waxaanu si gaara u bogaadinaynnaa madax-dhaqameedka Gobolada galbeed,ee ka adkaysan waayey,inay dareenkooda ka muujiyaan hantaaqada loo Geysanayo,amniga nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka.

Aqoonyahan= Cabdi Muxumad Axmed
Maxamed Axmed Sahal
Jaamac Xirsi Rooble
Cabdi Siciid Saleebaan
Axmed Diiriye Maxamuud
Jaamac Yusuf Claaahi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured