Maayar Soltelco Wuxuu Ka Dhabeeyay “Hargeysoo Siraadan Waan Sugayey”
Dalka waxaa ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaankaoo ahayd doorashadii ugu cuslayd ee dalka ka qabsoonta, waxaanaka qayb galay xisbiyo iyo ururo siyaasadeed. Waxa loo Huray waqti badan waxaana la galiyey tamar aad u badan, iyada oo Laf-dhabarta
Dalka waxaa ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaankaoo
ahayd doorashadii ugu cuslayd ee dalka ka qabsoonta, waxaanaka qayb galay xisbiyo
iyo ururo siyaasadeed. Waxa loo Huray waqti badan waxaana la galiyey tamar aad
u badan, iyada oo Laf-dhabarta doorashooyinku ay ku socdeena ay ahayd nabadgelyada
Iyo dhaqaalaha oo aanay la’aantii waxba qabsoomeen.Natiijadii Doorashooyinka
ama shaqsiyaadkii ku soo baxay doorashooyinka ayaa bulshadu siyaabo kala duwan uga aragti bixiyeen, waanawax
iska caadi ah in bulshadu ku kala aragti duwanaato, Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda
(gaalka dil gartiisana sii). Runtii maahmaahdaasi,luuqad ahaan way adagtahay
laakiin ujeedada ayuunbaynu ka raacaynaaye. Waxaan rabaa bal in aan iftiimiyo muxuu qabtay Maayarka caasimada Hargeysi?Muddadii
Sanadka ahayd ee uu xilka hayey ma yahay nin xilkiisii si fiican u gutay,mise
wuxuu noqday nin baal maray?Su’aalahaas waxaynu si sax ah uga jawaabi karnaa
marka aynu ku qiimayno xilka loo doortay ee ah Maayarka CaasimaddaSomaliland ee
Hargeysa, inagoo dhinac iska dhigayna danaha shakhsiga ah ee baloog iyo
baloodh, iyo wixii la hal maala ayaan ka waayay. Sida aynu wada ogsoonahay dawlada hoose ee Hargeysi waxay u
xilsaarantahayadeegyo fara badan oo ah, lafdhabarta bulshada sida dhismaha
wadooyinka iyoBiriishyada, faya dhawrka guud ee bulshada, sida biyo mareenada ,goobaha
xoolaha lagu soo qalo(kawaanada), Sariibadaha oo ah goobo u baahan nadaafad
joogta ah, bilicda caasimada nashqadaynta Iyo qaabaynta magaalada iyo wixii
kale ee la jira. Haddaba mudadii koobnayd ee maayerku xilka hayey waxa la sameeyay Jid
casri ah oo noqonayaAsphalt road international standard oo ka soo bilaabanta
bariga magaalada Hargeysa (Halaya eeriya)dagmada M/haaruun ilaaJigjigayer Ib/koodbuur, jidkaas
oo ah jidka wadnaha ama badhtamaha Hargeysa kaas oo dhererkiisu yahay 17km oo noqonaya jid raasamaala ,oo aan ahayn
(yeel oo igu noqo) waxa kaloo jid laami ah la dhigay 18km iyo badh oo loo qaybiyey
degmooyinka caasimada. Sidoo kale ,waxa
dayac tir lagu sameeyey 19km oo ah degmooyinka Hargeysa waxa kale oo aan
ladafirikarin , dhisamaha 11 Biriish oo iskugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryer,
biriish yaradaa oo qaarka kamida ay
dhamaadeeniyo qaar wali gacanta lagu hayo, iyada oo ay barbar soodaan dib
udhiska xafiisyada xarunta dawlada
hoose, iyo xafiisyada degmooyinka iyo qalabayntooda.Waxa la hirgaliyey
barnaamijka Mar Mar dhigista caasimadda, iyada oo marka laga reebo
kharashka ku baxaya, ay dawlada hoose lahayd masuuliyada qaabka loo dhigayo iyo tayada MarMarku sida uu yahay. Waxa xusid mudan oo dawlada
hoose ee Hargeysa kusoo kordhay gaadiid tiradoodu dhanyahay 19 oo iskugu jira,
Dab-damisyo,Gaadiidka iska Rogooyinka,oo noocoodu yahay Cinotruck (24 ton),Ambalaasyo,Sheewalo,Rugley,
GraderMachine, iyo iska Rogooyin yaryar. Waxa habeenkii indhahaagu qabanayaan markaad marayso dhakhtarka
weyn hortiisa qashaafado cad cad oo ku shaqaynaya solar system ooqayb weynka qaatay Bilicdii iyo Nabadgalyeda magaalada taas oo la ii sheegayinay yihiin tijaabo,balse lagaadhsiin doono
qaybaha kale caasimadda .Waxaaban xasuustayheestii Hodan Cabdiraxamaan ee ahayd (Hargeysa oo siraadan waan sugayee). Waxyaabaha kale ee aad ku farxayso markaadaragto waxa kamida 7 Gaadhi
oo ah Dab Damisyo oo dhex yaala xayn daabka dawlada hoose iyo shaqaale gaadhaya 30 qof oo iskugujira dirawaladii iyo shaqaale loo taba baray sida loo xakameeyo
dabka.Waxa kale oo jira waxyaabo kale oo aan qoristooda ka hawl yaraystayhadaba markaan is barbar
dhigno hal sano iyo wax qabadkaa aan hore u xusnay .waxay jawaabtu noqonaysaa
nin ka soo baxay xilkii loodhiibay iyo waliba dheeraad. Taasna waxaa markhaati
noqonaya markaad booqato xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo barxadii dadku
buuxi jireen aad hadda markaad tagto aroorta hore intaan shaqada loo kala
bixin, aad ka waayayso meel aad istaagto, maadaama ay xaydaabka buuxiyeen
gaadiidka cagafta, iska-rogada, gaadiidka dab-damiska ah iyo Ambalaasyadu buuxiyeen,
kuwaas oo muddadaa sannadka ah intii Maayar Soltelco xilka hayay uu u
suurto-geliyay inay dawladda hoose iibsato. Dhinaca fikirka iyo aragtida dadku way ku kala duwanaan karaan,laakiin
qofka wax qabad muuqda arkayaahadanakala masuugaya hambalyada iyo dhiirigalinta waxaan usoo qaadanayaa gabaygii uu tiriyey gabayaagii weynaa ee Salaam
Carrabay tuduc ka mida oo ahaa:- Waxba yaanu xeerkay I marin Xoolona ii siine Xaasha’e nin libin kaa
xistiyey Xumihii waa yaabe By:Maxamed Wadaadyare Muwaadin reer Hargeysa ah Tel: 0634174517 Leave a comment |
|
Maayar Soltelco Wuxuu Ka Dhabeeyay “Hargeysoo Siraadan Waan Sugayey”
Dalka waxaa ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaankaoo ahayd doorashadii ugu cuslayd ee dalka ka qabsoonta, waxaanaka qayb galay xisbiyo iyo ururo siyaasadeed. Waxa loo Huray waqti badan waxaana la galiyey tamar aad u badan, iyada oo Laf-dha