Ururka Dhalinyarada Ee Daalo Oo Xalay Hargeysa Ku Qabtay Xaflad Qaadhaan Loogu Uruurinaayey Garoon Gubada Cagta Ah Oo Looga Hirgalinaayo Degmada Gacan Libaax

0
Sunday August 24, 2014 - 19:20:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Dhalinyarada Ee Daalo Oo Xalay Hargeysa Ku Qabtay Xaflad Qaadhaan Loogu Uruurinaayey Garoon Gubada Cagta Ah Oo Looga Hirgalinaayo Degmada Gacan Libaax

    Hargeysa(xogreebnews.com--Ururka Horumarinta Dhalinyarada ee Daalo Organization ayaa Habeenkii xalay Kaah Hotel ku qabtay kulan balaadhan oo qaadhaan loogu uruurinaayey garoonka Kubada Cagta ee xaafada Hodan Hillis ee Degmada Macalin Haaruun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--Ururka Horumarinta Dhalinyarada ee Daalo Organization ayaa Habeenkii xalay Kaah Hotel ku qabtay kulan balaadhan oo qaadhaan loogu uruurinaayey garoonka Kubada Cagta ee xaafada Hodan Hillis ee Degmada Macalin Haaruun

Hargeysa(xogreebnews.com--Ururka Horumarinta Dhalinyarada ee Daalo Organization ayaa Habeenkii xalay Kaah Hotel ku qabtay kulan balaadhan oo qaadhaan loogu uruurinaayey garoonka Kubada Cagta ee xaafada Hodan Hillis ee Degmada Macalin Haaruun ee Hargeysa Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qayb-galeen marti sharaf tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamuud Dhabeeye ,Agaasimaha Xafiiska Badbaadada iyo Nabad-galyada Caasimada Mr.C/qaadir Cumar Xaashi,Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa Sul.Yuusuf Maxamuud Xiirey Boqorka Beesha Magaadle Boqor Maxamuud Cismaan Nuur Garaadka Dhalinyarada Beelaha Habar Yoonis Garaad C/qani Axmed C/raxmaan Ugaas Xuseen Geele iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan oo kamida bulshada ku dhaqan labada Degmo ee G/Libaax iyo M/Haaruun kuwaasoo dhamaantood kamisaysnaa sidii dhalinyarada Xaafahan ku nooli u heli lahaayeen Garoomo ay ku Ciyaaraan Kubada




Kulankan Garoonka qaadhaanka loogu uruurinaayey oo ahaa mid xaasaasi ah ayaa waxa ugu horeyn madasha warbixin kooban kasoo jeediyey Gudoomiyaha Ururka Daalo ee kulanka soo agaasimay Gud. C/risaaq Maxamed Raage oo si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay ururkooda iyo sidoo kale dadaaladii ay u galeen sidii dhalinyarada Xaafadahan degani u heli lahaayeen Garoomo ay ku Ciyaaraan
Gudoomiyaha Ururka Daalo Mr.C/risaaq ayaa waxa uu madasha kusoo bandhigay Dhul loogu talogalay in Garoomo laga dhigo oo Dawlada hoose bixisay oo hadana dad shiciba isla dawlada hoose sharci ugu samaysay taasoo uu tilmaamay inay noqotay qabadaha ugu waaweyn ee ka hor yimid hawlihii samaynta Garoomada Xaafadan isagoo isla markaasna Garoomo la baneeyey oo ilaa birihii lagu xidhay dad dawlada hoose dib usiisay dhulkan ay ka gooyeen iskuna dayeen garoonkii shaqo galay ee dhalintu ku ciyaarayeen ay dhistaan taasoo uu tibaaxay inay dhaliisheedu dusha ka saarantay Xildhibaanadii Golaha Deegaanka ee Xaafadan oo hawlahoodii gabay.


Dhinaca kale waxa isna madasha hadalo duur-xul ah kasoo jeediyey Garaadka Dhalinyarada Beelaha Habar Yoonis Garaad C/qani Axmed C/raxmaan isagoo isla markaana carabka ku adkeeyey in ka dhalinyaro ahaan ay danahooda gaarka ah kaga daba gali doonan meelkasta oo ay la gashay isagoo sidoo kalena xusay inay Xukuumada talada dalka haysa ugu baaqay inay uga fadhiyaan waxqabadkii ay xaqa ugu lahaayeen
Dhinaca kale waxa isna eedo loosoo jeediyey wasaaradiisa ka difaacay Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamuud Dhabeeye isagoo isla markaasina eedo kulul madashan uga soo jeediyey Golaha deegaanka Caasimada

Sidoo kale waxa iyana madasha ka hadlay oo iska difaacay eedo loosoo jeediyey Golaha Deegaanka Xil.C/risaaq Qawdhan iyo Xilbaan Cabaas oo kamida xildhibaanada G/Deegaanka ee laga soo doorto Xaafadahan iyagoo isla markaana xusay in cabashada jirtaa ay ka horeysay waqtigii iyaga la soo doortay isla markaana eedeeda ay leeyihiin Golahii ka horeeyey iyaga
Xafladan oo ahayd mid la isku arkay ayaa waxa isna hadalo mugle kasoo jeediyey Gudoomiyaha Haayada Samo-falka ee Tabantaabo Mr.Xamse Gaaxnuug Caydiid isagoo isla markaana usoojeediyey Ururka Daalo inay marka hore soo qiimeeyaan kharashka ku baxaaya Dhismaha garoonka si dhab loogu fahmo loogana hawlgalo kharashka iyo baaxada hirgalinta garoonka
Xafladan oo ay kasoo qayb-galeen ganacsato iyo Madax-dhaqameed aad u tiro badan ayaa waxa iyana madasha hadalo kasoo jeediyey Boqorka Beesha Magaado Boqor Maxamuud Cismaan Nuur,Ugaas Xuseen Geele Boqor Faysal iyadoo Gabagabadiina uu soo afmeeray Xaflada Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa Sul.Yuusuf Muxumed Xiirey isagoo isla markaana tilmaamay in madax-dhaqameedka xaafadu garabtaagan yihiin hawlaha horumarinta barbaarta dhankastoy ahaataba hirgalinteedana si weyn isaga xilsaarayaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured