Udiyaar Garowga Caaleema Saarka Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh Oo BUUHOODLE Laga Dareemayo

0
Sunday August 24, 2014 - 19:17:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Udiyaar Garowga Caaleema Saarka Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh Oo BUUHOODLE Laga Dareemayo

    Saxadheer(xogreebnews.com-Prof. Cali Khaliif Galaydh oo madxweyne loogu doortay shir beeleed ka dhacay degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool bishan August, ayaa la filayaa in xaflad isugu jirta xil-wareejin iyo caleemo-saar loogu qabto magaalada Buuhoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxadheer(xogreebnews.com-Prof. Cali Khaliif Galaydh oo madxweyne loogu doortay shir beeleed ka dhacay degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool bishan August, ayaa la filayaa in xaflad isugu jirta xil-wareejin iyo caleemo-saar loogu qabto magaalada Buuhoodle Isniinta
Saxadheer(xogreebnews.com-Prof. Cali Khaliif Galaydh oo madxweyne loogu doortay shir beeleed ka dhacay degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool bishan August, ayaa la filayaa in xaflad isugu jirta xil-wareejin iyo caleemo-saar loogu qabto magaalada Buuhoodle Isniinta beri. Shir in muddo ah ka socday degaanka Saax-dheer oo ku yaal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca Gobolka Sool, waxa siyaasiga Cali Khaliif Galaydh loogu doortay xilka Madaxweynenimada kooxda Khaatumo oo ay dabada ka riixayan siyaasiyiin dibad-wareeg ah.
Ilo-wareedyo kala duwan, laguna kalsoonyahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in diyaargaraw iyo abaabul madaxweynenimo loogu caleemo-saarayo Cali Khaliif Galaydh ka socdaan magaaladda Buuhoodle, iyadoo sida la sheegay la filayo in xafladaasi dhacdo Isniinta berri oo taariikhdu tahay 25 August 2014, iyadoo ay xafladaas ka qaybgeli doonaan dadka kala duwan oo ka socda degaanno ka mid ah Maamul-goboleedka Puntland, Muqdisho, Killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan magaalada Jigjiga iyo qaar ka mid ah dalalka qurbaha.
Sida ilo-wareedyadu tibaaxeen, siyaasiga madaxweynenimada geed-sare waabka ah loo cumaaday ee Cali Khaliif Galaydh iyo dad badan oo xaflada caleemo-saarkiisa ka qaybgelaya, waxa u qorshaysan inay magaaladda Buuhoodle ka soo galaan dhinaca Itoobiya, maadaama ciidanka Somaliland fadhiismo ku leeyahay degaanno u dhaw Buuhoodle, isla markaana aanay suurtogal ahayn in kooxdaasi hesho fursad ama dariiq dhinaca gudaha Somaliland ah oo ay ku gaadhaan Buuhoodle.
Cali Khaliif Galayd oo ah siyaasi u dhasay degaannada Sool ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse aaminsan mabda’a Soomaaliweyn, horena ra’iisal-wasaare uga noqday Soomaaliya, waxa hadda u qorshaysan inuu si ku-meel-gaadh ah xarrun uga samaysto magaalada Buuhoodle, halkaasoo uu doonayo inuu ka abaabulo dagaalo iyo colaado ka dhaca Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo uu ku doodo inuu xarrun rasmi ah uga dhigi doono dagaal jabhadayn ah oo kooxda uu madaxweynaha u yahay ee Khaatumo la galaan ciidanka qaranka Somaliland.
Xafladaha la filayo inay ka dhacaan magaalada Buuhoodle, ayaa la qorsheeyey inuu Cali Khaliif xilka madaxweynenino kula wareego, si rasmi ahna loogu caleemo-saaro, iyadoo la sheegay in xafladaas ay ku hoos lammaan yihiin mudaharaado rabshado wata oo ka dhaca degaanno ka mid ah Gobolka Sool, kuwaasoo u muuqda in taageero loogu raadinayo maamulka qabiilka ku salaysan ee Cali Khaliif wato.
Dawladda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in aannu is-caleemo-saarka Cali Khaliif Galaydh waxba u dhimayn qarannimada iyo sugida xuduudaha rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aanay dawlad ahaan aqbali doonin wax qaranimadeeda ka soo horjeeda.
Hasayeeshee, weli ma cadda go’aanta iyo tallaabada xukuumada Somaliland ka qaadi doonto xaflada ka dhacaysa Buuhoodle ee la doonayo in lagu caleemo-saaro siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, iyadoo sidoo kale aan la ogayn mawqifka xukuumada madaxweyne Siilaanyo uga meel yaal haddii ay dhab noqdaan wararka sheegaya in Cali Khaliif iyo dadka caleemo-saarkiisa lagu martiqaaday magaalada Buuhoodle ka soo gelayaan dhinaca xadka Itoobiya, maadaama dawladaha Somaliland iyo Itoobiya xidhiidh fiican ka dhexeeyo, iskana kaashadaan ka hortaga waxyaabaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida labada dal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured