Beesha Gaashaan Buurta Axmed Faarax(Gaf) Oo Uga Digtay Madaxwaynaha Somaliland Inuu Dhulka Daaqsimadaa Ka Aqbalo In Laga Dhigo Magaalooyin Lagana Barakiciyo Xoolaha Iyo Dadka Deega.

0
Sunday August 24, 2014 - 19:15:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Gaashaan Buurta Axmed Faarax(Gaf) Oo Uga Digtay Madaxwaynaha Somaliland Inuu Dhulka Daaqsimadaa Ka Aqbalo In Laga Dhigo Magaalooyin Lagana Barakiciyo Xoolaha Iyo Dadka Deega.

    Burco(xogreebnews.com-Waxaa soo shaac baxaaya kulan ay la yeesheen suldaan beesha cabadalle arab madaxwaynaha somaliland oo ay ku maslaxanayeen inuu dhulka uga qaado beesha gaashaan buurta axmed faarax ee beesha cabdalle arab ku murmaysa waxa aanay l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com-Waxaa soo shaac baxaaya kulan ay la yeesheen suldaan beesha cabadalle arab madaxwaynaha somaliland oo ay ku maslaxanayeen inuu dhulka uga qaado beesha gaashaan buurta axmed faarax ee beesha cabdalle arab ku murmaysa waxa aanay lahayn .
Burco(xogreebnews.com-Waxaa soo shaac baxaaya kulan ay la yeesheen suldaan beesha cabadalle arab madaxwaynaha somaliland oo ay ku maslaxanayeen inuu dhulka uga qaado beesha gaashaan buurta axmed faarax ee beesha cabdalle arab ku murmaysa waxa aanay lahayn .
Kulankan ayaa la sheegay inay sulaadiyiinta beeshaas cabadalle arab iyo madaxwaynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo ku yeesheen qasriga madaxtooyada somaliland,walo aanu jirin war rasmiya oo madaxtooyada somaliland ka soo saartay "Muranka labada beelood dhex yaala ee ah baliga diiriye oo dhul daaqsimeed ah ayaa sida la wada ogyahay waxaa ku soo xad gudbay beesha cabdalle arab oo raba inay qaadato meesha ka dhaxaysa beelaha somaliland ee wada deegaan.,
Dhulkan ayaa boqolaalkii sano ee la soo dhaafay ahaan jiray meel xoolaha beesha reerbiniin ee ka midka beesha ugu tirada iyo maalka badan ee gaashaa
buurta axmed faarax gaf degaan kuna nool yihiin mana aha wax hada lagu murmi karo",. Beesha gaashan buurta axmed faarax (gaf) ayaa digniin culus u dirtay madaxwaynaha jsl somaliland axmed siilaanyo oo ku wajahan baliga diiri waxayna ku dhawaaqeen in aanay intaa wax ka badan cidna dhulkooda lagu soo duulay ugu dul qaadan doonin kana ogolaan karinn cidkasta oo isku dayda inay magaalo ka dhigaan"".
Waxayna ka codsadeen madaxwaynaha somaliland in aanu duudsiyin waxa beesha axmed faarax ee reer biniin xaqa u leedahay lana socdo in wasiiro xukumada ka tirsani ay goaan hore ka soo sareen oo labada beeloodba u hogaan sameen.
Ugu dabanbayntii hadalkan ka soo yeedhay beesha gaashaan buurta axmed faarax (gaf) ayaa noqon kara mid cad oo ku wajahan baliga diiriye waxayna digniin u direen cid kasta oo isku dayaysa inay daadafayso heshiiskii dhawaan wasiirada somaliland ka soo sareen markii ay yimaadeen magaalada burco iyo heshiisaydii hore ee ahaa in beesha reer biniin iska leedahay dhulka baliga diiriye lakiin ay soo dhawayn doonta cidkasta oo xoolahoodu daqaan sidii horeba. Ugu danbayntii beesha gaashaan buurta axmed faarax (gaf) ayaa marwalba ku hawlan sidii ay u ilaalin lahayd nabad galyada iyo jaarka la degan degaamada ay ku dhaqan yihiin kana shaqaya wanaaga iyo nabad galyada lakiin waxay hadal kama danbaysa ka soo saareen dhulkooda baliga diiriye markii u horaysay. Si kasaba ha ahaatee Beesha axmed faarax gaf ayaa meel adag iska taagtay in dib muran looga bilaabo dhulkooda baliga diiriye waxayna ka soo sareen baaq ku socda xukumada iyo wasiiradii hore heshiiska saxda uga soo saaray iyo arainkan cusub ee ah in madaxwaynaha somaliland la kulmo beesha ay is hayeen oo aanay war iyo wacaal toona ka ahayn.
Dhawaan ayay ahayd markii labada beelood ee reer biniin iyo cabdalle arab isku khilaafeen dhul daaqsimo ah oo aanay cid gaari lahaan karin lakiin lagu soo duulay waxaana arinkaa hore looga gaadhay heshiis walow beesha cabadalle arab gaysatay khasaare ka dhan ah ciidmada qaranka somaliland oo ay rasaas ooda kaga qaadeen dhaawacna soo gaadh siiyeen 3 askari, mana jirto cid hada soo qabatay ilaa hada ragii gaystay falkaa ka dhanka ah amaanka ee weerarka ku soo qaaday ciidanka qaranka ee ilaalinaayay nabad galayada.
hargeisa xogreeb news office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured