Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Ku Kala Kacay Kulan Ay Ku Yeeshen Madaxtooyada

0
Sunday August 24, 2014 - 19:10:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Ku Kala Kacay Kulan Ay Ku Yeeshen Madaxtooyada

    Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaasha Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaasha Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani
Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaasha Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid ayaa Saaka ku kala kacay kulan Albaabadu u xidhnaayeen oo ay ku yeeshen Madaxtooyada Somaliland. Kulan oo socday Muddo Sacado ah ayaa wararku waxay sheegayan in Labbada Guddoomiye ay madaxweynaha ugu tageen si ay u waydiiyan in madaxweynuhu la socdo wasiirka arrimaha gudaha Warancade oo soo saaray qodobo ay ka biyo diideen Xisbiyada mucaarikdu kuwaasi oo ah in Diwaangalinta Madaniga ah oo la sheegay in qofkii aan ahaysan kaadhka aqoonsiga muwaadinimada aanu codeyn Karin iyo in Goobihii Codbixinta ay wasaarada Arrimaha Guduhu ku soo koobtay in ka Yar 200 oo Goobod, markii ay arrimahasi saaka hor dhigeen madaxweynaha ayuu madaxweynuhu uu u sheegay in arrintaasi uu ku taagersan yahay wasiirkiisa, wararku waxay intaasi ku darayan in kulankii lagu kala kacay, waxana la fillayaa in Xisbiyada mucaaridku saacadaha soo socda Qaadacan Doorashada Madaxtooyada.
Xisbiyada Mucaaridka ayaa walaac ka qabba in diwaangalinta Madanigu ay dib u ridi karto diwaangalinta codbixiyaasha oo la filayey in la sameeyo bisha October ee sananadkan.
Kulan ayaa Waxa Xisbiyada Mucaaridka u kala matalayey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro, dhan kale waxa kulankaasi ku wahelinayey Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maxamed Xirsi Geelle oo shallay dalka Dibadiisa ka soo laabtay isaga iyo wafti uu hogaaminayey, dhanka kale waxa barri dalka wafti ka socda iwaddamda Somaliland ka caawiya dhinca dimuqraadiyada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured