Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Ka Hadlay Muhiimada Biyo Xidheennada iyo Waxyaabaha Uu Ku Soo Arkay Socdaal Uu Dooxa Waaheen Ku Soo Maray

0
Sunday August 24, 2014 - 12:05:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Ka Hadlay Muhiimada Biyo Xidheennada iyo Waxyaabaha Uu Ku Soo Arkay Socdaal Uu Dooxa Waaheen Ku Soo Maray

    Hargeysa(Xogreebnews) Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sharaxaad ka bixiyay Qorshaha biyo xidheeno wasaaraddiisu wado iyo khatarta ay Biyo mareennadu ku hayaan dhulka Beeraha ah iyo dhul daaqsimeedka. Wasiirku waxa uu sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sharaxaad ka bixiyay Qorshaha biyo xidheeno wasaaraddiisu wado iyo khatarta ay Biyo mareennadu ku hayaan dhulka Beeraha ah iyo dhul daaqsimeedka. Wasiirku waxa uu sheegay in Socdaal uu ku soo indho-indheeyay Dooxyada biyo qabatinka u baahan uu ku soo arkay meelo ay suuro gal tahay in biyaha si sahlan looga xadhi karo.

Hargeysa(Xogreebnews) Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sharaxaad ka bixiyay Qorshaha biyo xidheeno wasaaraddiisu wado iyo khatarta ay Biyo mareennadu ku hayaan dhulka Beeraha ah iyo dhul daaqsimeedka. Wasiirku waxa uu sheegay in Socdaal uu ku soo indho-indheeyay Dooxyada biyo qabatinka u baahan uu ku soo arkay meelo ay suuro gal tahay in biyaha si sahlan looga xadhi karo.

“Waxaan dhawaan ku tagnay Kormeer Dooxa Waaheen oo ka soo bilaama Degmada Faraweyne, markaa dhulka Wasaaradda beeraha u calaamadaysan ee Mashruuca Sanduuqa Horumarinta somaliland(SDF) aanu doonaynu inaanu biyo xidheenno kaga samayno waa ilaa halka biyahaasi ka soo bilaamaan iyo ilaa halka badda ay kaga darsamayaan.daadadkaas halkaas ka soo bilaama ilaa halka uu badda kaga darayo dhib wayn buu ku hayaa degaanka, Dhul Beereedka, Dhul daaqsimeedka iyo dhamaan deegaankoo dhan khatar buu ku hayaa. Markaa dawladda Somaliland waxay ku fikiraysaa sidii biyahaas ama daadadkaas Roobku abuurayo looga faa’iidaysan lahaa, sidii loo qaban lahaa ee loogu bandhigi lahaa Hay’addaha Caalamiga ah iyo Qaadhaan bixiyeyaasha” ayuu yidhi Wasiirka VOA u waramayay.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay socdaalkooda ku arkeen meelo ay fududahay in biyaha laga xidhi karo “Runtii Dooxan(Waaheen) waxa jirta dhawr Meelood oo biyaha laga qaban karo oo ay ka mid tahay Faruur oo aad moodo in dhaamkiiba si dabiici ah iskaga samaysan yahay laakiin, u baahan qayb yar in lagu kordhiyo si biyaha loo qabto. Meelaha ka sareeya laftigooda waxa jirta meel la yidhaahdo Qalwo-shabeel oo Buurtii daadku dhexda ka furay inteedii kalena dhisan tahay oo iyadana ay suuro gal tahay in biyaha laga xidho”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay muhiimada biyo xidheenada “Wasaaraddaha Beeraha, degaanka iyo Biyaha intaba waxa khuseeya inay biyaha qabtaan waayo? Beer ma beeri karno haddii aynaan Biyaha qaban, xoolana ma daaqi karaan haddaan biyaha loo qaban oo haraad baa dilaya, degaankuna ma jirayo, markaa waa arin muhiim ah. Markaa umaddna kuma tiirsanaan karto Biyo roob, waxaana muhiim ah inaynu beeraheena u rogno biyo waraab oo meelkasta biyaha laga qabto, dhul roobaadka biyaha loo qabto markaa aad iyo aad ayay xoolaha, Beeraha iyo Bani-aadamkaba muhiim ugu tahay” Ayuu yidhi wasiir Geedoole.

Wasaaradda Beeraha ayaa ku foogan mudooyinkan Biyo xidheeno dalka laga hir galiyo ka dib dhaqaale wasaaraddu ka heshay Sanduuqa Somaliland development fund oo lagu horumarinayo Beeraha iyo biyo xidheennada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured