Xarun Caruurta Agoonta Ah Hoy iyo Goob Waxbarasho U Noqonaysa Oo Hargeysa Laga Dhagax dhigay

0
Sunday August 24, 2014 - 10:07:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarun Caruurta Agoonta Ah Hoy iyo Goob Waxbarasho U Noqonaysa Oo Hargeysa Laga Dhagax dhigay

    Hargeysa(Xogreebnews)Xarun Agoomo tiro badan u noqonaysa Hoy iyo goob wax barasho ayaa Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris iyo Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, ka dhagax dhigeen Duleedka Hargeysa. Xaruntan waxaa dhismaha xarunt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Xarun Agoomo tiro badan u noqonaysa Hoy iyo goob wax barasho ayaa Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris iyo Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, ka dhagax dhigeen Duleedka Hargeysa. Xaruntan waxaa dhismaha xaruntan fulinaysa hay’adda Al-najax.

Hargeysa(Xogreebnews)Xarun Agoomo tiro badan u noqonaysa Hoy iyo goob wax barasho ayaa Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris iyo Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, ka dhagax dhigeen Duleedka Hargeysa. Xaruntan waxaa dhismaha xaruntan fulinaysa hay’adda Al-najax.

Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan (Axmed-iid), oo ka mid ah Hay’adda Al-najax oo hadal ka jeedinayay munaasibad dhagax dhiga Xaruntan loogu sameeyay beer ku taala meel u dhaw Xabaalaha xeedho ee duleedka waqooyi ee Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay mashruucan ““Mashruucan qiimaha badan inoogu fadhiya oo dadkeenna, dalkeena iyo dawladeennaba dan u ah, waana mashruuca xannaanada ama tixgelinta iyo daryeelka carruurta agoonta ah ee jilicdasan, waa mashruuc ay maalgelinayso dawladda Kuwayt, waxaana fulinaysa hay’adda Islaamiga ah ee Al-Najax. mashruucan waxa loogu talogalay dhawr boqol oo agoomo ah lagu xareeyo oo lagu xannaaneeyo, waxbarashadooda iyo hoygoodana lagu daryeelo, lagana faa’iidaysto oo uu noqdo mid waxtar u soo kordhinaya bulshadeena. Agoonta iyo waxtarkeedu diinteena qiimo weyn ayuu ku leeyahay.” Ayuu yidhi Sheekh Axmed

Maayarka Hargeysa oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaasi ayaa dadweynaha u soo jeediyay inay bulshadu bixiso dhulka danta guud ah ““Dhulka danta guud ee ah dawladdu ka goyso dhulka ay dadku leeyihiin waxa loogu talogalay in laga dhiso waxyaabaha danta guud ah sida dusgiyo, garoomo ciyaareed, sariibado, saldhigyada booliska, istaanada basaska, markaa dadweynahana waxaan leeyahay waa inaad bixisaan intii laydinku yidhi bixiya si loogu hirgeliyo hawlahaasi. Agoomaha inaynu aad ugu naxariisano weeyaan, waxaana iminka socda mashruucii hore oo ay maalgelinayso dawladda Kuwait, kaas oo laga dhisayo bariga magaalada Hargeysa,”

Ugu dambeyntii Marwada Madaxweynaha Aamina Waris ayaa ka warantay wax qabadka Agoomaha ee intii xukumadda Kulmiye jirtay “Isku sheegi mayno masuuliyadda inaga saaran agoomaheena, waxaana sharaf iyo mudnaanba mudan culimada is urursatay ee ururka Najax ee saaxiibadeena dawladda Kuwayt ka mid tahay galiyey dareenka inay caawimo ina siiyaan, dawladda Kuwayt shacabkeeda, culimadeeda iyo masaajideeda oo aannu mashruucani ahayn kii ugu horreeyey ee ay inaga caawiyaan aad ayaan ugu mahadnaqayaa. Waxaan qirayaa intii dawladdani timi inaynu aad ugu soo jeedsanay xarumo badan oo agoomaha lagu xannaaneeyo, markii afar sanno ka hor ay dawladdani waddanka qabsatay toddobaad kadib ayaan tagay xarunta agoomaha, waxaana ka muuqatay dayac aad u badan, waxyaalaha aannu u qabanayna waxa ugu muhiimsan inaanu sugnay dhulkii xarumta agoomaha, dhismaha gurigii afraad oo iminka socda iyo daryeel badan oo loo sameeyey.” Ayay tidhi Marwada Madaxweynahu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured