Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inaanu Jirin Wax Khilaaf Ah Oo Ka Dhaxeeya Musharaxa Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Una jawaabay Xildhibaan Xasan Cawaale.

0
Saturday August 23, 2014 - 17:01:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inaanu Jirin Wax Khilaaf Ah Oo Ka Dhaxeeya Musharaxa Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Una jawaabay Xildhibaan Xasan Cawaale.

    Hargeysa(xogreebnews.com-xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Xasan Cawaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.Xoghayaha warfaafi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Xasan Cawaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.Xoghayaha warfaafinta Hargeysa(xogreebnews.com-xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Xasan Cawaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu sheegay inaanu jirin khilaaf soo kala dhex galay gudoomiyaha iyo musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid, waxaanu xildhibaanka ku eedeeyey inuu ka gaabiyey hawlihii loo doortay. Ugu horayn xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse oo ka hadlaya khilaafka uu xildhibaanku sheegay inuu soo kala dhex galay masuuliyiinta xisbiga Ucid ayaa waxa uu yidhi “In khilaaf soo kala dhex galay gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid waanu beeninaynaa waxaanan taageerayaashayada iyo shacabka somaliland-ba sheegaynaa inay arintaasi tahay been abuur cad oo ay caadaysteen qaar ka mid ah warbaahinta, anaga oo marka hore wararkaas uga baranay warbaahinta xukuumada, waxaanan mar labaad shacabka somaliland ugu celinaynaa inay gudoomiyaha iyo musharaxi ay ka wada shaqaynayaan xafiiska xisbiga, waxaanan dadka leenahay wararkaasi maaha kuwo wax ka jiraan, warbaahintana waxaan leenahay iska ilaaliya wararka noocaas ah waayo arintani waa mid qaran.” Ayuu u sheegay warbaahinta xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid.Sidoo kale waxa uu xukuumada ku eedeeyey inay wado warar ka dhan ah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxaanu yidhi “Xukuumadana waxaan leeyahay waxa idiin hadhay sagaal bilood eee ka shaqeeya dacaayadaha raqiiska ah ee aad xisbiga ucid u soo jeedinaysaan idinka oo kaga mashquulay dantii shacabka somaliladn aad u qaban lahaydeen.”Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay hadaladii uu xildhibaan Xasan Cawaale ku weeraray masuuliyiinta xisbiga Ucid waxaanu yidhi “Xildhibaan Xasan Cawaale waxaan warbaahinta ku arkaa marka uu cid caayayo ama canbaaraynayo intii xilka loo doortayna waxaan arkay isaga oo dhawryo toban jeer xisbiga ucid waxaan jirin ku sheegaya, hadalada uu sheegayna ma qabo inay yihiin hadalo uu ku hadlo qof masuul ah oo umada xil u haya, waxaan qabaa inuu xildhibaanku shaqadiisii ka gaabiyey oo uu u soo jeedsaday baro bagaandhada ay xukuumadu ku wado xisbiga Ucid, waa gudoomiyaha guddida arimaha bulshada ee golaha wakiilada maalin walbana waxa dalka ka dhaca oo xukuumadu ka danbaysaa falal shacabka somaliland lagu hagar daamaynayo, manaan arag isaga oo ka hadlaya dhibaatooyinka shacabka la darsaya.”

Ugu danbayntiina xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu sheegay inuu xildhibaanku ku fashilmay xilkii loo doortay waxaanu yidhi “Xildhibaanka waxaan leeyahay waxaad ka hor tagaysaa in la soo horaysiiyo doorashada baarlamaanka waayo waxa uu ku fashilmay xilka uu hayo waxaanu ogyahay in cid kale la keenayo, waxaanu ku jiraa xildhibaanada kalsoonida ay kala noqdeen shacabkii soo doortay.” Ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured