“Faysalow guddoomiyenimada Ucid iska casil, Jamaala Ma doonaysid Inuu tartan Doorasho Galo” Xildhibaan Xasan Cawaale

0
Saturday August 23, 2014 - 12:09:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Faysalow guddoomiyenimada Ucid iska casil, Jamaala Ma doonaysid Inuu tartan Doorasho Galo” Xildhibaan Xasan Cawaale

    Hargeysa(Xogreebnews)Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, ahna Gudoomiyaha guddida arimaha Bulshada ayaa Eedaymo culus u jeediyay Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Xildhibaanka oo ka jawaabayay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, ahna Gudoomiyaha guddida arimaha Bulshada ayaa Eedaymo culus u jeediyay Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Xildhibaanka oo ka jawaabayay dalabka Faysal Cali Waraabe ee ah in Golaha wakiilada la hor doorto haddaan doorashadu mar wada dhacayn ayaa soo jeediyay in Faysal iska Casilo jagada gudoomiyenimo ee Ucid. Waxa uu sidoo kale ku eedayay inaan Faysal Doonayn tartan uu galo Jamaal Cali Xuseen.

“Faysalow waxaad ahayd saddexdii Xisbi ee ugu horeeyey ee jiray mudo dhawr iyo toban sano, waxaad gashay saddex doorasho, saddexdii doorashaba waad ku dhacday, xisbibgii UCID-na waad khasaarisay ee Faysalow guddoomiyenimada iska casil. maantana waxaad u taagan tahay Musharaxii Ucid inaad tidhaahdid ha tartamin ee halganka u soo galay, waxaan ku leeyahay markaa inaad iska casisho Gudoomiye nimada Xisbiga Ucid, Xisbiga UCID-na wuxuu noqon lahaa Xisbiyada ugu qaalisan ee ay dadku Jecel yihiin hadii aad ka tagi lahayd, sababtoo ah Qaadhaano badan baad dadka ka soo ururisey wax alaale wax faa’iido ah oo aad ku qabatay ma jirto”. Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Xildhibaanka oo la waydiiyay sababta uu u dhibsanayo aragtiga Faysal ee ah ee inay doorashada wakiiladu soo hor marto ayaa yidhi ““dabcan anagu doorashada Diyaar baanu u nahay in la qabto oo ay waqtigeedii dhacdo hadii aanay dibu dhigisi dhicin, laakiin isagu wuxuu wadaa kala horaysiin iyo waxaan suurto gal ahayn, oo dalka iyo dadka aan dan u ahayn oo kharashka ugu badan ayaa ku baxa, hadii mar walba la yidhaahdo doorashaynu qabanaynaa waxaynu doorashooyinka isdaba jooga ah loo qaban jiray in ictiraaf yimaado, Ictiraafkiina lama hayo wali, markaa maxaa looga baahan yahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale

Xildhibaanka oo sii tixraacaya Aragtida Faysal ayaa yidhi “doorashadu way dhacaysaa laakiin Faysal wuxuu doonayaa oo kaliya in Doorashada Baarlamaanku soo horayso anaguna waxaanu doonaynaa in hal mar la wada qabto, sababtoo ah marka uu leeyahay doorashada golaha hala soo horaysiiyo waxaanu doonayn in uu Musharixii UCID Tartamo”.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured