2 Qof Oo Degaanka Boon Ee Gobolka Awdal Ugu Dhintay Qaniinyo Mas iyo 14 Qof Oo Ugu Dhaawacmay

0
Thursday August 21, 2014 - 19:09:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Qof Oo Degaanka Boon Ee Gobolka Awdal Ugu Dhintay Qaniinyo Mas iyo 14 Qof Oo Ugu Dhaawacmay

    Hargeysa(xogreebnews)-Haweenay 45 Jir ah iyo Nin 59 Jir, Ayaa Qaniinyo Mas ugu geeriyooday Degaanka Boon Ee Gobolka Awdal ee Somaliland. 14 qof oo kale ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen Masas qaniinay. Dadka ku nool degaanka Boon oo u dhaw Magaalada Say

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews)-Haweenay 45 Jir ah iyo Nin 59 Jir, Ayaa Qaniinyo Mas ugu geeriyooday Degaanka Boon Ee Gobolka Awdal ee Somaliland. 14 qof oo kale ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen Masas qaniinay. Dadka ku nool degaanka Boon oo u dhaw Magaalada Saylac ayaa Nooca Masaskan u yaqaano Kubra yare iyo Abees gaab. Qaniinyada ayaa bilihii u dambeeyay ku batay degaanka.

Hargeysa(xogreebnews)-Haweenay 45 Jir ah iyo Nin 59 Jir, Ayaa Qaniinyo Mas ugu geeriyooday Degaanka Boon Ee Gobolka Awdal ee Somaliland. 14 qof oo kale ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen Masas qaniinay. Dadka ku nool degaanka Boon oo u dhaw Magaalada Saylac ayaa Nooca Masaskan u yaqaano Kubra yare iyo Abees gaab. Qaniinyada ayaa bilihii u dambeeyay ku batay degaanka.

Dadka Degaanka Ayaa Aaminsan in Masaskan Godadkooda ay ka soo saareen Biyo la’aan ka jirta Degaanka iyo Kulaylka wakhtigan. Dadka ku dhintay ayaa Bahalku qaniinay wakhti ay hurdeen.

“Anigoo Socoto ah oo Habeenkii sii guuraya, ayuunbaan ka dul dhacay Bahalka(Maska), markaas ayuu igu dhuftay, markuu Qac igu siiyay ayaana miyir iigu dambeysay. Waxa uu igaga dhuftay Boqonka Lugta waxaanan dareemay Dawakhaad iyo Kubabyo,Markaa waxa I qaaday Niman ila socday oo Xanaanada I geeyay” Ayuu Axmed Cabdi Oo Mas dhaawacay u sheegay Wariye Cumar Seerbiya Oo Ka Tirsan Radio Hirad oo Fadhigeedu yahay Hargeysa.

Abiib Axmed oo Degaanka Boon ku noolaa in ka badan 40 Sano ayaa sheegaya in dhaawac iyo dhimashada tirada badan ee wakhtigan Masku gaystay tahay arin ku cusub degaanka. Waxa uu sheegay in dadka Masku waxyeeleeyay u dhexeeyaan da’aha 45 ilaa 60 jir.

“Walaal waxaanu u dawaynaa Qaab ku salaysan Awooda aanu leenahay oo aanu kaga jawaabi karo Xanuunkan uu Masku ku keenay dadka”Ayuu yidhi Cabdi Qani oo ah Madaxa Xarun Caafimaad oo ku taala Boon, halkaasi oo dadka lagu dawaynayo.

Waxa uu DR Cabdiqani sheegay inay dadkaasi kula tacaalaan Daawooyin kor u soo qaadaya Garaaca wadnaha iyo dawooyin ka badhxaya qofka suntan. Waxa uu sheegay inaanay hayn dawo ku fulin dadka islamarkaana aanay gargaar meelo kale uga yimaad helin.

Abiib Axmed oo ka mid ah Odayaasha wax garadka ah ee degaanka ayaa sheegaya in dadka degaanka uu hadda soo food saaray Walaac xoog leh oo ku aadan Qaniinyada Bahalkan hoose. Waxa uu sheegay in dadku wada sito Tooshash iyo waxyaabo ay iskaga ilaalinayaan Masaska.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured