Xoghayaha Guud Ee Wakiilada Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Warqad Xafiiska Xeer Ilaalinta Looga Soo Diray
Hargeysa(Xogreebnews)Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa si kulul oo degdeg ah uga jawaabay Warqad Xafiiska Xeer ilaalinta Guud looga soo diray. Xoghayaha oo warqadan lagu faray inuu yimaado Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid mad-madaw lagu galinayo Kiiska Walaashii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo hore si fool xun Hargeysa loogu dilay islamarkaana Sanadkan horaantiisii dadkii dilkaasi gaystay xukun lagu riday.
Hargeysa(Xogreebnews)Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada
Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa si kulul oo degdeg ah uga jawaabay
Warqad Xafiiska Xeer ilaalinta Guud looga soo diray. Xoghayaha oo warqadan lagu
faray inuu yimaado Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid mad-madaw
lagu galinayo Kiiska Walaashii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo hore si fool
xun Hargeysa loogu dilay islamarkaana Sanadkan horaantiisii dadkii dilkaasi
gaystay xukun lagu riday. “Halkan maanta waxa iigu timid warqad kasoo baxday Xeer
ilaaliyaha guud ee qaranka,waxaanay ay odhanaysaa Waxa lagaa doonayaa inaad
timaado Xeer ilaalinta Guud ee qaranka Jamuuriyada somaliland si waxa lagaga
waydiiyo arin xafiiska kuu taala,waxaana lagugu adkaynayaa inaad dhawrto
wakhtiga warqadana waxa ku saxeenxan Ku sumaha Xeer ilaaliyaha guud Aadan Axmed
Muuse,Sidaad la socotaana waxa jirtay dhacdo fool xun oo ka dhacday magaalada
hargaysa taas oo La aasay Gabadh aanu walaalo nahay,Bahda Cadaaladuna way ii
xukumeen wixii uu sharcigu ka qabayna way I marsiiyeen.”Ayuu Xoghayuhu ku yidhi
Shir Jaraa’id oo uu saaka ku qabtay Xarunta Golaha wakiilada. Xogahaya wakiiladu waxa uu Eedayn Culus u jeediyay Gudoomiyaha
Qareennada Somaliland ““Ninka foosi la yidhaa waa guddoomiyaha Qareenada Maalin
Maalmaha ka mid ahna waxaanu iskugu nimid Maxkamada Waxaana uu iigu
jawaabay,Waxaan Doonayaa inaan kiiskan ka Noqdo Qareen oo aan siidaayo inantan
kuna reebana kuwaad isku reerka tihiin ayuu afkiisa igaga yidhi,markaas
warwarkan aan ka qabaa waa ninkaas foosi,Hadaad maqli jirteen Haa’yado ayaa
lacago soo bixiya Gaadhiga uu wato haay’adda ayaa siisay,Dadka dhiigooda ayuu
ka baac-muushtareeya iyaga ayaa ka kaw ah,Qof danbiilaha ahna danbigii uu lahaa
marin habaabiya” Ayuu yidhi Xoghayuhu. Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in Warqaddan aan loo soo
marin nidaamkii Sharciga ahaa islamarkaana aan Golaha uu Xoghaynta u yahay iyo
Shir gudoonka aan lagu socodsiin balse isaga Shakhsiyan loogu soo diray, taasi
oo Hanaankii dawladnimo baalmarsan sida uu sheegay. Waxa uu sheegay inuu
warqadaasi u gudbinayo Shir gudoonka islamarkaana halkaasi lagaga jawaabi doono
Warqada. Leave a comment |
|
Xoghayaha Guud Ee Wakiilada Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Warqad Xafiiska Xeer Ilaalinta Looga Soo Diray
Hargeysa(Xogreebnews)Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa si kulul oo degdeg ah uga jawaabay Warqad Xafiiska Xeer ilaalinta Guud looga soo diray. Xoghayaha oo warqadan lagu faray inuu yimaado Xafiiska Xeer il