Ciidanka Midawga Africa Oo Sheegay Inuu Somalia Ka Baxayo Sanadka 2016-ka

0
Thursday August 21, 2014 - 17:57:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Midawga Africa Oo Sheegay Inuu Somalia Ka Baxayo Sanadka 2016-ka

    Hargeysa(Xogreebnews)- Madaxa AMISOM Lydia Wanyoto Motende iyo Safiirka Somalia ee Uganda Sayid Axmed Daahir, Aya Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda u sheegay in sanadka 2016-ka dhamaan Ciidanka Midawga Africa ka bixi doono Somalia. Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)- Madaxa AMISOM Lydia Wanyoto Motende iyo Safiirka Somalia ee Uganda Sayid Axmed Daahir, Aya Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda u sheegay in sanadka 2016-ka dhamaan Ciidanka Midawga Africa ka bixi doono Somalia. Waxay sheegeen in hawsha Ciidanku hadda Somalia ka wado lagu wareejin doono Ciidanka Somalia, wakhtigaasi ka horna ay Al-shabaab ka sifaynayaan Dhulka ay ku hadhsan tahay.

“Sida aanu qorsheynayno, waxaanu doonaynaa inaanu Soomaaliya ka baxno sannadka 2016-ka; waxaan caddeynayaa inaan doonayno inaan xilligaa ka baxno Soomaaliya. Inta ka horreysa muddadaas waxaanu doonaynaa inaanu Al-shabaab ka nadiifinno dalka oo dhan. Waxaan dhisi doonnaa awoodaha dowladda Soomaaliya, tanina waa geeddi-socodka aanu higsanayno,” Ayay tidhi Madaxa AMISOM Lydia Wanyoto.

Danjire Sayid Axmed Daahir, ayaa isna sheegay in Dawladdu diyaar u tahay la wareeggista Gacan ku haynta Dalka “Ma jirin sannadihii lasoo dhaafay dagaallo waaweyn oo ka dhacayay, sidoo kale waxaan walaalahaya uga mahadcelinayaa taageeraadii ay na siiyeen. Hadda diyaar ayay dowladdu u tahay inay la wareegto maamulka dalka oo dhan. Waan soo dhaweynaynaa teegeerada dhinaca dhismaha ciidamada iyo tayeyntooda ee ay mar walba nala garab-taagan yihiin saaxiibbadeen, tanina waa mid aan u baahannahay si awood aan ugu yeelanno ilaalinta dalkeena,”

Masuuliyiintan ayaa sheegay in AMISOM, Ciidanka Somalia siisay tababaro Awoodooda ku kor loogu qaadayo islamarkaana lagu ilaalinayo Xuquuqda Aadamaha.

Ciidanka Somalia ayaan ilaa hadda lahayn Awood uu ku hanto Amaanka guud ee Somalia, iyadoo la sheegayo in dhaqaalihii dib loogu habayn lahaa Ciidanku uu ku baxo Kuwa AMISOM.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured