“Nasiib Darrada Haysata maamulkan Siilaanyo Waxa Weeye In Uu Wax Allaale iyo Waxii Codka Siiyey Ugu Daran Yahay, Wax Allaale iyo Wixii Ka Soo Horjeedayna Waa u Nasteex” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

0
Thursday August 21, 2014 - 12:17:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Nasiib Darrada Haysata maamulkan Siilaanyo Waxa Weeye In Uu Wax Allaale iyo Waxii Codka Siiyey Ugu Daran Yahay, Wax Allaale iyo Wixii Ka Soo Horjeedayna Waa u Nasteex” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

    Hargeysa(Xogreebnews)Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ah Xildhibaan Kulmiye ah, ayaa Dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inaanay Codkooda siin Kulmiye oo uu sheegay inuu majarahabaabiyey horumark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ah Xildhibaan Kulmiye ah, ayaa Dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inaanay Codkooda siin Kulmiye oo uu sheegay inuu majarahabaabiyey horumarkii dalka.

Hargeysa(Xogreebnews)Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ah Xildhibaan Kulmiye ah, ayaa Dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inaanay Codkooda siin Kulmiye oo uu sheegay inuu majarahabaabiyey horumarkii dalka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada ugu cad-cad Kulmiye ee Golaha wakiilada ugu jira ayaan ku qanacsanayn sida Xukumaddu u wado Hogaanka Dalka.

"Waxaan jecelahay in aan ka hadlo arrinta Waqooyiga Burco ee muddooyinkanba imika jirtay oo runtii aanu islahayn waxaa laga gaadhayaa xal waara,hasayeeshee illaa imika rafanaysa,waxaa aanu nahay dad wada dhashay oo halkaa wada yaala. Anigu Xildhibaankii Deegaankaa Laftiisa dhibaatadaasi ka dhacdey baan ahaa,codka dadkii isiiyey ayaa ay ka mid ahaayeen dadka halkaasi daga ee deegaankaasi,waxaan ka cudur daaranayaa gaabiska runtii oo aniga oo hawla badan oo aan ku jiray darteed ah,hasayeeshee hawsha waan la socday oo wararka waanu kala heli jirney ,waxaan aad iyo aad uga xumahay horta beeshaasi waxaa ay ka mid tahay beelihii boqolkiiba boqol codka siiyey Siilaanyo,nasiib darrada haysata maamulkan Siilaanyo waxa weeye in uu, wax Allaale iyo waxii codka siiyey ayuu ugu daran yahay, wax Allaale iyo waxii ka soo horjeedayna waa u nasteex.

Diintu ma qoreyso sidaas Akhlaaqiyaadkuna ma qorayso, Aadam nimaduna ma qorayso,waana wax la yaableh weeye oo mucjiso ah,markaa waxaan uga digayaa umadda reer Somaliland in aan Xukuumada Siilaanyo Mardanbe codka la siinin ileyn sidaas ayaa uun ku dhacaysee,mar danbe in aan maamulkaa Siilaanyo la siinin codka ayaan dhawaaq dheer,ku sare iyo ku hooseba aan umadda reer Somaliland aan u sheegayaa,waayo waxaa aad mutaysanaysaa halka aad abaal gud ka mutaysan lahayd ciqaab ayaad ka mutaysanaysaa”. Ayuu Siciid Cilmi Rooble yidhi isagoo u waramayay Geeska Africa

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu ka hadlay taariikhda Baliga Diiriye Guuleed waxaanu yidhi “Waxaa kale oo aan la yaabanahay waxa weeye Baligan 300 oo Sanadood ka hor ayaa uu jirey,bali waqafa ayaa uu ahaa,tuulooyinkan imika hareeraha ka xiga ee imika la sharciyeynayaa waa tuulooyin shalay ah gabi goodubana waa intii dalka la soo galay weeye oo intii la soo galay ayuunbaa Tuulooyinkan la sharciyeeyeynayaa abuurmeen kanina 300 oo Sanadood ayaa uu jirey markii ay reer Sheekh Isaxaaq ka soo baxeen Xeebaha dalka dee Baraago may jirin,umaddu dee baliyaashaas ayay samayn jirtay.

Baliyaashaas ayaa deedna waqaf ahaan jirey oo laga cabi jirey,waxaan la yaabanahay waxii 300 ee Sano ka hor jirey in la tir tiro kuwii shaley abuur mayna in la sharciyeeyo.waa cadaalada darro weeye qabyaalad cad weeye arrin runtii lala yaabo weeye.”

Waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble la yaab ka muujiyay sababta dadka aqoonta u leh degaanka la isku hayo loogu diri waayay “mida kale waxaan la sii yaabanahay Gobal dhan oo togdheer la yidhaahdo ayaa jira umadd dhan ayaa ku nool waa ay garanayaan Odayaal badan ayaa ay leeyihiin,Guurtibaa ay leeyihiin,Waayeel ayaa ay leeyihiin oo arrimaha caynkaas oo kale ah dee ay khilaafaadka dadka wada yaala dhex mara Gobolka iyo Dagmada ayaa ku shaqo leh,laakiin Meesha Kalshaale ayaa laga dhigay,Tigniko ayaa lagaliyey Waxaana nasiib darro ah in Madaxweyne Siilaanyo uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Beeshiisa ka adkaan waayey oo Meel Allaale iyo meeshii Beesha Siilaanyo ku shaqa leedahayba dhibta ina haysata, dee Tigniko ayuun baa la galinaya.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xukumadda u soo jeediyay inay faraha kala baxdo Khilaafka Beelaha wada dega “markaa waxaan leeyahay halkaas waxaan uga digayaa dee Xukuumadu in ay arrintaas ay faraha kala baxdo,dadka deegaanka ah loo daayo waxii la gudbiyey iyo dhaawacii halkaas lag gaystay magdhaw buuxa laga bixiyo,Baligaa iyo Umaddaana xor looga dhigo waxii magaaladoodana ay dhistaan xaqbaa ay u leeyihiine,magaaladaasina magaalo la baa'biinayaa ma jirto haddii tawraad iyo Injiilba la akhriyo wax baaba'aya maaha waayo cadaalad maaha ugu danbayntii arrinkaasi waxaan ka tacsiyeynayaa dulmigaa lagu galay”

Ugu dambeyn Siciid Cilmi Rooble waxa uu talo u soo jeediyay Bulshada Somaliland “Waxaanan leeyahay muddo gaaban baa u hadhay nidaamkan Sagaal Bilood baa u hadhay gacan teena ayaa aynu maanta isku canaanaynaa mar danbe yeynaan gacanteena isku canaanan,waxaa aynu dooran doonaa mid dadka u dhax ah oo Umadda u wada wanaagsan oo aan hadhawto odhan doonin kana ixiga ee kuwa kale caga cagaf mari ayeynu dooran doona,waxaa aynu baraney sida wax loo rido iyo sida wax loo soo saaraba waxaan leeyahay inyar ayaa inoo hadhay oo waa aynu adkaysanaynaa,taana kama yeelayno oo waxa weeye go'aan ay umaddu leedahay oo ay sida oo kale inala qaadatay waana wax Illaahay inaga aqbalaayo, 300-boqol oo sanadood horteed in deegaanka awood dawladeed laynagaga qaadaa waa xaaraan,Afweynaa baabiin lahaa oo qaadan lahaa Somaliland guud ahaana waxaan leeyahay umadda shacabka reer Somaliland waar umadeena ilaa shada.

Dawladeenii kalsoonidii aynu ku siinay codka laga waa waxa weeye wax kale ayaa ay wada ilaa maanta waa taa Hargeysa UN-kii ay ku soo celiyeen ninkii aad ogaydeen,waxa allaale iyo wax lagu heshiiyey garan mayno,wax allaale iyo wax wada hadaladii Xamar lala galay ee Koonfur illaa imika waxba laynoogama sheegin dhaqaale ayaa uun la raad sanayaa Qaranimadii socotay,waxaan leeyahay hala isu tago oo aan soo jeedinayaa meel halaysagu tago Xisbi qudha halaysagu tago yaan lakala biiq biiqin KULMIYE-na dhulka hala la eegto iyo Maamulka Siilaanyo taas ayaanan ugu baaqayaa umadareer Somaliland”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured