Wasiirka Daakhiliga Oo Goleyaasha Degaanka U Fasaxay Mooshinno Ka Dhan Ah Maayirada Inay Keeni Karaan

0
Thursday August 21, 2014 - 12:05:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Daakhiliga Oo Goleyaasha Degaanka U Fasaxay Mooshinno Ka Dhan Ah Maayirada Inay Keeni Karaan

    Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa Sheegay inuu dhamaaday Wakhti Goleyaasha degaanka lagaga mamnuucay sanadkii hore inay Mooshinno xil ka qaadis ah ku soo oogaan Maayirada dalka. Wasiirka oo shalay w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa Sheegay inuu dhamaaday Wakhti Goleyaasha degaanka lagaga mamnuucay sanadkii hore inay Mooshinno xil ka qaadis ah ku soo oogaan Maayirada dalka. Wasiirka oo shalay warbaahintu waydiisay Wareegtadaasi oo wakhtigeedu dhamaaday sida uu hadda u arko ayaa sheegay inay ahayd wakhti tijaabo ahaa haddana dhamaaday.

“Golayaasha degaanka waxaan ka soo saaray wareegto sannadkii hore oo aan ku amray in aan xilka laga qaadin ama wax dacwad ah lagu soo oogin maayarrada, sababta aan uga jeedayna waxay ahayd had iyo jeer marka golayaasha degaannada la doorto waxa innagu bilaabma is qabqabsi, kadibna niyad-jab ku dhaco dadkii amma degaannadii soo doortay, markaa in la daayo oo waqti la siiyo ayey iga ahayd, muddadaasna lagu ogaado ninka shaqaynaya iyo ka hawshiisa gabay. Markaa waqtigii wuu dhammaaday oo wareegtadu waqtigaasi (muddada sannadka) ayey ku koobnayd,”

Wakhtigan ayay Goleyaasha Degaanka Qaarkood khilaaf ka dhexeeyaa, halka kuwo kalena la sheegayo inay damacsan yihiin Mooshinno xil ka xayuubin ah oo Maayarada lagu sameeyo.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured