Israel Oo Dib U Bilawday Duqaynta Marinka Qaza Ka Dib Xabad Joojin Todobaad Ah

0
Wednesday August 20, 2014 - 20:56:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israel Oo Dib U Bilawday Duqaynta Marinka Qaza Ka Dib Xabad Joojin Todobaad Ah

    Hargeysa(Xogreebnews) Duqaynta Marinka Qaza ayaa dib u bilaamatay wakhti yar ka hor markii ay dhamaatay xabad joojin ku dhawaad todobaad socotay. Falastiiniyiinta ayaa Gantaalo ku riday Caasimada Israel ee Tel Aviv,iyadoo Israel na kaga jawaabtay Wee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Duqaynta Marinka Qaza ayaa dib u bilaamatay wakhti yar ka hor markii ay dhamaatay xabad joojin ku dhawaad todobaad socotay. Falastiiniyiinta ayaa Gantaalo ku riday Caasimada Israel ee Tel Aviv,iyadoo Israel na kaga jawaabtay Weeraro duqayn ah.

Hargeysa(Xogreebnews) Duqaynta Marinka Qaza ayaa dib u bilaamatay wakhti yar ka hor markii ay dhamaatay xabad joojin ku dhawaad todobaad socotay. Falastiiniyiinta ayaa Gantaalo ku riday Caasimada Israel ee Tel Aviv,iyadoo Israel na kaga jawaabtay Weeraro duqayn ah.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedaynaya bilaabida dagaalka iyo inaanay doonayn Xabad joojin sii socota. Saraakiisha Caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ilaa 3 Caruur ah iyo laba haween ahi ku dhinteen Weerarada Saaka ee Israel.

“Si looga jawaabo Carqaladaynta Xamaas ee Xabad joojinta, waxay Ra’isal wasaaraha iyo wasiirka Difaacu Ciidanka Israel Amreen in Weeraro badan laga fuliyo meelo badan oo marinka Qaza ah” ayuu yidhi Sarkaal u hadlay Ciidanka Israel.

Qassam Brigades, oo u hadlay Garabka Hubaysan ee Xamaas ayaa sheegay inay Gantaalo ku rideen Caasimada Israel ee Tel Aviv, hase ahaatee Israel waxay sheegtay inaanay cidi waxba ku noqon gantaaladaasi.

Dagaalka Israel iyo Xamaas intii uu socday waxaa ku dhintay in ka badan laba kun(2000) oo Falastiiniyiin, Shacab u badan ah. Dhinaca Israel waxaa ka dhintay ilaa 70 Ciidankeeda ka mid ah inta la ogyahay

Wada hadal iyo dedaal diblamaasiyadeed oo Qaahira ka socday ayaa hadda u muuqda kuwo aan horumar laga gaadhin, iyadoo Israelna sheegaysa in Weftigeeda Masar ku sugan ay amreen inay dib uga soo noqdaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured