Madal Kulmisay Madax-dhaqameedka Iyo Haldoorka Beesha Ciise Muuse Oo Maanta Lagu qabtay Hotel ka Summer Time Ee Hargeysa Iyo Ujeeddada Ka Danbaysa

0
Tuesday August 19, 2014 - 19:20:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madal Kulmisay Madax-dhaqameedka Iyo Haldoorka Beesha Ciise Muuse Oo Maanta Lagu qabtay Hotel ka Summer Time Ee Hargeysa Iyo Ujeeddada Ka Danbaysa

    Hargeysa(xogreebnews.com- kulan Qado-sharafeed ay isugu yimaaddeen Suladiinta,Cuqaasha,Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo Dhalinyarta Beelaha Ciise Muuse ayaa maanta oo tariikhtu ahayd 19.08.2014 wuxu ku qabsoomay Hotelka Summer Time ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- kulan Qado-sharafeed ay isugu yimaaddeen Suladiinta,Cuqaasha,Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo Dhalinyarta Beelaha Ciise Muuse ayaa maanta oo tariikhtu ahayd 19.08.2014 wuxu ku qabsoomay Hotelka Summer Time ee magalada Hargeisa Kulan Qado

Hargeysa(xogreebnews.com- kulan Qado-sharafeed ay isugu yimaaddeen Suladiinta,Cuqaasha,Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo Dhalinyarta Beelaha Ciise Muuse ayaa maanta oo tariikhtu ahayd 19.08.2014 wuxu ku qabsoomay Hotelka Summer Time ee magalada Hargeisa Kulan Qado ah isugu yimid

shir cm1


kulankan oo ay soo abaabulen Suldaanka Guud ee Beelaha Ciise Muuse Suladaan Maxamud Ahmed Shekh iyo Suldaan Shariif ayaa ku sabsanaa sidii loo tageeri lahaa Musharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Mudane Jamal Cali Xuseen, Beeshuna cududeeda iyo Maal keedaba halka isugu gayn lahayd, waxaana kulanka ka soo qayb galay si wayna uga dhex muuqaday Odaasha Dan iyo Duco oo u hogaaminayay Gudoomiyahay Dan iyo Duco Mudane Xaaji Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab), Chief Caaqil Ahmed caaqil Yare, Maxamed Cabdilahi Mire, Jaamac Rooble (BIRQAAB) iyo Xubno badan oo kale oo ka tirsan Dan iyo Duco, sidoo kale waxaa kulan ka soo qayb galay Siyasiyiin ka soo jeeda beesha oo u hogaaminayay Muhaajid Ibraahim Cabdilahi Xuseen (DHAGAWEYNE),sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Ganacsatada kala duwan ee Beesha, Qurbojooga, aqoonyahanka iyo Dhalinyarada beesha, waxanay dhamaan dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka ka soo qayb galay isku raceen in la gaadhay xiligii la is barbar taagilahaa musharaxa Madaxtinimada Xisbiga UCID Mudane jamal Cali Xuseen haday tahay mid dhaqaale, mid siyasadeed iyo mid maskaxeedba, waxayna balan qadeen Ganacsatadu in ay bixin doonaan dhaqaale kasta oo looga baahdo diyaarna ay u yihiin markasta, Kayse Cismaan Ahmed( KAYSE BUSHAARO) oo afka ganacsatada ku hadlayay ayaa sheegay in ay ganacsato ahaan diyaar u yihiin wixii dhaqaale looga baahdo. Sidoo kale Gudoomiyaha gudiga Dan iyo Duco Mudane Muuse Xirsi Abokor(Muuse Dalab) ayaa balan qaaday gudigoodu in u diyaar u yahay gudashada waajibkiisa cidna aanu uga habranayn garab iyo gashaana u yihiin Musahraxa Madaxtinimo ee Xisbiga UCID Mudane jamal Cali Xuseen. Sidoo kale waxaa madashaa ka hadlay Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo ku hadlayay afka siyaasiyiinta Beesha wuxuuna si cad u sheegay in ay diyaar u yihiin isgarabtaaga Musharaxa Madaxtinimo ee xisbiga UCID Mudane Jamal Cali Xuseen. Sidoo kale Nuradiin Ibraahim Cabdi oo afka dhalinyarta ku hadlay ayaa sheegay in ay dhalinyaro ahaan diyaar u yihiin is garabtaaga musharaxa madaxtinimo ee Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen muquruq iyo maal inat karaan kooda ah, wuxuuna balan qaaday in ay si adag ula shaqayn donaan Musaraxa Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen.
Waxaa iyaguna madasha salaam Sharaf ugu yimid madax dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Sacad Muuse oo ay hogaaminayeen Ugaas Maxamed Cabdilahi Ibraahim (JABANE) iyo Suldaan MAWLID SABAYSE waxayna balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay tageeran oo is garab tagaan Musharaxa madaxtinimo ee Xisbiga UCID Mudane Jamal Cali Xuseen, isla markaana u beel ahaan yahay musharaxooda Subeer awalna manta leyahay musharax Madaxtinimo diyaarna ay u yihiin marxalad kasta.

shir cm3
Waxaa isaguna halka ka hadlay Mujaahid Cali Guray oo cadeeyay in Musahraxa Madaxtinimo ee Xsibiga UCID Jamal Cali Xuseen yahay musharaxa Subeer Awal dhamaan toodna diyaar u yihiin sidii ay u tageeri lahayeen isna barbar taagi lahayeen.
Sidoo kale waxaa kulanka salaam sharaf ugu yimid hadal koobana ka jeediyay Gudoomyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal cali Waraabe aadna ugu mahad naqay dhamaan Beelaha Ciise Muuse tageeradooda ay tagereen Xisbiga UCID wuxuuna sheegay in aadna ugu faraxsan yahay tageerada an loo kala hadhin ee ay manta isla garab tageen Xsibiga UCID.

shir cm2

Ugu danbayn waxaa kulanka soo gebo gabeeyay Musharaxa Madaxtinimo ee Xisbiga UCID Mudane Jamal Cali Xuseen, wuxuuna aad ugu mahadnaqay dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha u ka soo jeedo iyo martida kale ee kala soo qayb gashay kulan kaba, tageerada dhamayska tiran ee ay siyeen iyo siday u garan taganyihiin, wuxuuna si gaar ah ugu mahadnaqay Gudiga Dan iyo Duco oo u sheegay in ay laf dhabar u yihiin beesha iyo isku xidhka beelaha kaleba, sidoo kale wuxuu Jamaal balan qaday hadii ILahay ku guleeyo talada dalka in aanu u kala eexan dooni dhamaan shacabka reer Somaliland ayna mid u noqon donaan beeshisana aanu uga eexan doonin shacabka kale ee Somaliland si cadaalada oo masuuliyad ku jirtana dalka iyo dadka u hogaamin doono. Ugu danbayntii wuxuu u mahadnaqay suldaanka guud iyo saladiinta kale ee soo qaban qaabisay kulanka.

sikastaba ha ahaatee shikan ayaa qayb ka ah shirar beeleedyada aaya ka tashiga ee beryahanba ay si goonni goonni ah isugu imanayeen in badan oo beelaha Reer Somaliland ahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured