Fadeexadd Diblumaasiyadeed Abid Tii U Xummeyd Oo U Ku Kaco Sarkaal Ka Tir-san Madaarka Caasimadda Kadib Markii U Soo Degay Danjire Nicholas Kay .

0
Tuesday August 19, 2014 - 18:48:28 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadd Diblumaasiyadeed Abid Tii U Xummeyd Oo U Ku Kaco Sarkaal Ka Tir-san Madaarka Caasimadda Kadib Markii U Soo Degay Danjire Nicholas Kay .

    Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeisa.ayaa shalay ku kacay qaab-protocool xummo,kadib markii uu dalka soo gaadhay masuulka qaramada midoobey u qaabil-san Somaliland iyo soomaaliya Mr Nicklos kay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeisa.ayaa shalay ku kacay qaab-protocool xummo,kadib markii uu dalka soo gaadhay masuulka qaramada midoobey u qaabil-san Somaliland iyo soomaaliya Mr Nicklos kay.

Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeisa.ayaa shalay ku kacay qaab-protocool xummo,kadib markii uu dalka soo gaadhay masuulka qaramada midoobey u qaabil-san Somaliland iyo soomaaliya Mr Nicklos kay.ninkan oo ah maamule ku xigeenka labaad ee madaarka caasimadda ayaa shalay khal-khal iyo amni xummo ka abuuray markii uu soo degey danjire Kay.wax yaabaha ar-gaagax ku riday masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland iyo saxaafadda goobta joogtayba waxaa ka mid ahaa inuu ninkani ku kacay dhaqan aad u qaloocan oo dadkii goobtaas joogay ku sifeeyeen jaahilnimo heer keedi dhaaftay. Waxaanna uu sammeeyey inuu shaki badan ku abuuro er-geyga gaarka ah ee qaramada midoobey Mr kay kaaso cabsi awgeed hadalkii uu saxaafadda u jeedinaayey ku kaliftay inuu joojin gaadho shirkii jaraa”id ee u ku qabtay madaarka Hargeisa. Inkasta oo u islahaa waad saxan tahay, saxaafadda madasha joogtay waxay ku tilmaantay inuu doonaayo inuu kamarada cidhiidh-sado sidaa aad ka daawanayseen muuqaalada ay soo gudbiyeen Tv-yada caalamigga ah ee dalku baahiyeen.

Cabdilaahi Yuusuf Axmed waa maamule ku xigeenka madaarka Hargeisa, waxana sanad kii hore laga soo bedelay,magaallo madaxda Burco waxana intii ay timmi xukuumadda siilaanyo laga dhigay maamulaha madaarka Burco isaago ka hor xukuumadda tallada haysana ahaa Waash-maankii xaruunta dhexe ee xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer.Mr cabdilaahi waa nin kamarad jecel oo had iyo jeer doona inuu ka daba Muqdo masuuliyiinta soo dega ama hadlaaya.

Waxaa ninkan waash-maanka ahaan jiray u shalay sameeyey qodobo tiro badan oo ay kow-ga tahay inuu sameeyey inuu booska uu taagnaa wasiirku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mawliid inuu ka saaro oo garabka, garabkana ugu qabto Mr kay u qaybsamaha qaramada midoobey arrimaha soomaalida.waxaana si aan gabbaasho lahayn u u riixay wasiirka oo protocool ahaan,isaaggu waajibku tahay inuu la qabto shirka jaraa‘id masuulkan ka tir-san jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa.

Waxaa dhacday markii uu soo degay danjire Kay inuu Hor gallo isaagoo xidhan suudh uu kolba danjiraha hortiisa u jiid-jiido Niiga taga-tay u xidhnaa..waxana dhacday intii uu soo gaadhaayey danjire Key qolka nasaashada madaarka cigaal qaybta VIP-DA inuu kolba dhinac ka maroo masuulkan waxaana shaki badani galay ambassetor key iyo xubno u watay oo ilaalo ah, waxaanay dhamaan-tood si foogan u eegayeen masuulka madaarka ka ah maamule ku xigeenka bilaa protocoolka ah. Cabdilaahi waxaa si toosa ugu baaqay inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqa saa‘idka ah ee uu samaynaayo qaarka mid ah dhalin-yarada ka hawl-gasha madaarka caasimadda qaybta soo dhoweynta.waxaana dhacday inuu meeshaba Buuq-ka dhalan gaadho,iyaaddo meesha u ka saarayba mararka qaarkood wasiirku xigeenka wasaaradda arriamaha dibeda Somaliland.waxaana aan aad ugu qoslay markii u garabku qaaday wasiirka oo saf-la taagan danjire key .waxaana si toosa gacanta ugu baaqay wasiir Mawliid uu stop garay sammeeyey balse cabdilaahi dheg jalaq umma siin.

Waxaana ilaa xalay goobaha laga daawada Tv-yada si weyn lo arkaayey masuulkan oo sidaa shinbir waalan hadba dhinac uu jees-jeesanaaya waxana lagu war-helayo dadka oo leh kaasi muxuu ahaa waa sidee xatta haweenka aan siyaasaddaba aqoonta u lahayn. Fadeexadan ayaa dul-hoganaysaa wasiirka wasaaradda duulista Somaliland maxamuud xaashi cabdi oo sabab uu ahaa inuu bilaa taba-bar la”aan ku shaqo geliyo,geeyana meel muraayad uu ah qaranka.waxaana sifo qabiilnimo lagu shaqo geliyeey ninkan bilaa aqoonta iyo anshax xummada isku dar-saday la soco war-bixintan oo wadata sawiiro tilmaam u noqon doona..

Qalinkii Weriye

Zaki Suldaan cabdilaahi

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured