Gudoomiyaha Degmada Duruqsi Oo Iska Fogeeyay Eedo Musuqmaasuq Oo Loo Jeediyay

0
Tuesday August 19, 2014 - 17:02:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Degmada Duruqsi Oo Iska Fogeeyay Eedo Musuqmaasuq Oo Loo Jeediyay

    Burco(Xogreebnews)Gudoomiyaha Degmada Duruqsi oo hoos timaada Burco Axmed Cabdillaahi Gaab yoome, ayaa beeniyay warar musuqmaasuq ku salaysan oo laga baahiyay degmadaasi. Waxa uu sheegay inaan wararkaasi waxba ka jirin, cida warkaasi sheegtayna aanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Xogreebnews)Gudoomiyaha Degmada Duruqsi oo hoos timaada Burco Axmed Cabdillaahi Gaab yoome, ayaa beeniyay warar musuqmaasuq ku salaysan oo laga baahiyay degmadaasi. Waxa uu sheegay inaan wararkaasi waxba ka jirin, cida warkaasi sheegtayna aanay xil ka hayn degmada.

Burco(Xogreebnews)Gudoomiyaha Degmada Duruqsi oo hoos timaada Burco Axmed Cabdillaahi Gaab yoome, ayaa beeniyay warar musuqmaasuq ku salaysan oo laga baahiyay degmadaasi. Waxa uu sheegay inaan wararkaasi waxba ka jirin, cida warkaasi sheegtayna aanay xil ka hayn degmada.

“Ninka la Dhaho Kayse Cabdi Dirir Ee Sheegtay Haydhka Tuulada Duruqsi Wuxuu ka Been Abuuray Haydhkii Tuulada Waxaanu ka Mid Yahay Yaryarka Jooga Degmadda Wuxuu Sheegay in Daynabidii Cagafta la Xaday Waa Been,Wuxuu Kale Oo Uu Sheegay in Gaadhigii Labaad Ee Degmada Anigu Aan Siiya Walaalkay Waa Been Cad Oo Aanay Waxba ka Jirin” ayuu yidhi Axmed

Waxa uu intaasi raaciyay Gudoomiyaha degmada Duruqsay oo shir jaraa’id ku qabtay Burco in horumar badan ka hanaqaaday degmada “Waxaan Jecelahay Qof Kasta Oo Reer Somaliland ah inuu Yimaado Degmadda Duruqsi si Uu u Arko Horumarka iyo Waxqabadka Degmadda,Waxaan Hubaa inay Degmadda Duruqsi Kow ka Tahay Dhanka Horumarka Degmooyinka kale Ee Hoos Yimada Gobalka Togdheer,Waxaan cadaynayaa Degmada Darejedeedu inay Tahay D, Sideed Wasaradood ayaanay Xaq u leedahay inay usoo Qadimaan adeega Bulshada,Sideedii Wasaradoodba Way Jogaan Degmadda Duruqsi Waxa usii Dheer Kastamkii iyo immigration-kii Oo Loogu Tallo-Galay inay Noqoto Meel Laga Talaabo,Dadka Been abuurka Samaynayaa ee leh Duruqsi Way Baaba-day Oo Degmoyinkii Kale ayay ka Hadhay Waxaan Idin Leeyahay Waa War Beena Oo Aanay Habar-Yaratee Waxba ka Jirin” ayuu yidhi Gudoomiyaha Duruqsi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured