Hargeysa(Xogreebnews)-Gudooomiyaha Xisbiga Ucid ayaa Qoraal dheer u diray Xoghayaha Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo Hargeysa ku sugan,kaasi oo uu si qoto dheer ugu faahfaahiyay xaaladdaha Somaliland iyo Somalia ka dhex taagan iyo sida uu noqon karo xal beesha caalamku u hesho Somalia.
Hargeysa(Xogreebnews)-Gudooomiyaha Xisbiga Ucid ayaa Qoraal
dheer u diray Xoghayaha Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo
Hargeysa ku sugan,kaasi oo uu si qoto dheer ugu faahfaahiyay xaaladdaha
Somaliland iyo Somalia ka dhex taagan iyo sida uu noqon karo xal beesha
caalamku u hesho Somalia.
Nuxurka Qoraalkaasi uu soo saaray Gudoomiyaha Ucid ayaa u
dhignaa sidan:
From: Ucid Party (Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka )
To: Mr Niklos Key (Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramadan Midoobey Somlia iyo
Somaliand
Tan Iyo Intii La,Riday Rajiimkii Milliteriga ahaa ee Maxamed
Siyaad Barre sannadkii1991 , isla markaana Shacbigii Gobolladii woqooyi
go’aansadeen Gooni_Isutaaga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Intii ka dambaysay burburkii Dawladdi Somalia, waxaa ilaa hadda
ka taagan Fawdo siyaasadeed, dagaallo hubaysan, budhcad badeednimo Iyo
xagjirnimo xagga kooxaha diimaha, oo dhammaan sababay macaluul joogto ah,
gobolaysi ka jira beelaha iyo dowlad la’aan, waxana awooddii gacanta u gashay Hogaamiye
Qabiileedyo, Hogaamiye Diimeed Iyo qabqableyaal dagaal oo aan arxan u lahayn
shacbigooda halisna ku ah ammmaanka waddamada geeska Afrika, isu socodka badaha
iyo nabadgelyada guud ee caalamka.
Tani waxay kalliftay in Somaliya loo aqoonsado hoyga ugu weyn ee
Kooxaha argagixisada iyo budhcad badeedka caalamka, Waxaana gebi ahaanba
burburay wax soo saarkii Beeraha , waxbarashadii, adeeggii bulshada iyo
kaabayayaaashii dhaqaale ee dalka.
Dhanka kale,waxa si joogta ah u fashilmaayey dedaalka beesha
caalamka ee lagu raadinayo in la soo afjaro khilaafaadka siyaasadeed iyo kan
amni ee Somalia, Gobol kastana waxa goostay kooxo aan metelin shacbiga oo xoog
ku haysta.
Qaladka Ugu Weyn Ee Bulshada Caalamku Samaysaa ilaa imikana Ay
Wadaa Waxaa Weeye iyada Oo Indhaha Ka Lalisa Xaqiiqda Dhabta Ah Ee Ka Jirta
Dhulkii Laysku Odhan Jirey Jamuuriyada Somalia
Taas Run Ahaan Maanta Ay Jiraan Laba Somaaliyeed Sidii Intii Ka Horeysay 1 July
1960:Jamuuriyada Somaliland Oo Ah Dal Jira Oo Nabad Ah,Dimuqraadiya Oo
Doorashooyinku Si Nabad Galyo Ah U Dhacaan Isla Markaana Leh Barlamaan La Soo
Doortey,Gole Guurti Iyo Axsaab Siyaasadeed Iyo Somalia Oo Qasan
Bulshada Caalamku Waxay Xooga Saartaa Inay Dib Abuurto Midnimadii Somalia Iyo
Somaliland iyada Oo Kolba Koox Ugu Yeedha Dawlad Somaliyeed mar ay tidhaahdo
Waa Ku Meel Gaadh Iyo Imika Oo Yidhaahdaan Waa Dawlad Rasmiya Wax Natiijo ahna
Aan Soo Kordhin
Dadka Somaliand Ee iskood U Da,daaley indhaha ayey Beesha Caalamku ka
Lalisaa,Waxaana Qaadaa Talaabooyin Lagu Mijo Xaabinayo Jiritaanka
Somaliland,Nabadgalyadooda iyo Cuna qabateyn Aney Muteysan
Qorshaha Maanta ay Wado Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa Iyo Wadamada Laysku
Yidhaah IGAD Ee Ah Labada Shaag(Ladagaalanka Xagjirayaasha iyo Samaynta Dawlad
Fedaraal Ah )Oo Ka Kooban 18 Gobol Ee Maxamed Siyaad Bare Danaha Gaarka Ah U
Smaystey Waxay U Muuqataa Inay Somalidu Ka Dhaxli Doonto Dagaal Cusub Oo Ku
Baaha Somaliland Iyo Samalia Masuuliyadeedana Ay Qaadi Doonto Bulshada Caalamku
Oo Ay Ugu Horeyso Qaramada Midoobey
Intii Ka Horeysey Inqilaabkii Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Bare Dalka Waxaa
Ka Jirey 8 Gobol, oo Laba ka mid ahi Somaliand ahaayeeen kuwaas (Oo Kala Ahaa
Waqooyi Galbeed Iyo Waqooyi Bari) Samaliyana Waxay ka Koobnayd 6 Gobol Oo kala
ahaa (Majeerteeniya,Mudug,Hiiraan,Banaadir,Jubada Sare Iyo Jubada Hoose )
Markuu Qabsadey Maxamed Siyaad Bare Waxaa uu Samayey Inqilaabkii Ka Dib 10
Gobol Oo uu Ka Soo Dhex Saarey 8 dii Hore U Jirey
Danta Kaliya Ee Uu Kalahaana Ay Aheyd In Uu Beeshiisa U Sameeyo Dagmooyin Badan
Si Ay Uga Soo Baxaan Xildhibaano Badan Isaga Oo Ku Hamiyey In Mustaqbalka
Xubnaha Baarlamaanka Somalida in Beshiisu Boqolkiba Konton Xubnood Yeelato,
Somalida Inteeda Kalena Oo Lagu Qiyaasey Boqolkiiba Shan Iyo Sideetan Ay
Yeeshaan Boqolkiiba Konton Xubnood.
Arimahaasi Iyo Sadbursigaasi Waxay keeneen Jabhadihii Hubaysnaa Ee S.N.M Iyo
U.S.C inay Samaysmaan, Waxaaney Hor Seedeen Bur Burkii Dawladii Siyaad Bare ee
iLaa Imika Xal Loo La,yahey
Hada Waxaa Muuqata Inay Bulshada Caalamku ay ka Dhigatey Siyaasadeeda Ku
Wajahan Arimaha Somalia Iyo Samaynta (Federal Government ) Tu Ku Fadhida
Fikradii 18 Gobol Aheyd Iyo ROAD MAP Lagu Sameeyey Garawe isla Markana Waxaa
Muuqata In Siyaasada Maanta Ee Ay Hagayso Qaramada Midoobey Iyo Wadamada IGAD
ay Tahey Siyaasad ay Curiyeen Maamul Goboleedka Garawe,Kana Dhaadhiciyeen
Bulshada Caalamkana Isla Markaana Ku Saleysan Tahey Himiladdii Maxamed Siyaad
Bare Ee Laga Dagaalamey,
Hadana Ay Keeni Karto In Markale Muqdisho Iyo Hargeysa Ay iskaashaadaan Si
Looga Hortago Khatarta Ku Soo Socota Ee La Soo Maleegay Iyo Taageerada Quwadaha
Shisheeye.
Sidaa Awgeed Xisbiga UCID waxaa Uu Qabaa In Aan Xalka Somalidu Ku Jirin Dawlad
Goboleedyo Dusha Laga Saaro Oo U Adegaya Beelo Gaar Ah Oo Gacan Ka Helaya
Quwado Shisheeye Iyo Qaramada Midoobey Oo Wax Khalad Ah Loo Sheegay
Ugu Danbeyntii Xisbiga UCID Wuxuu Soo Jeedinayaa In Xalka
Somalidu Ku Jirto
1. In Somaliland Laga Daayo Faro_Galinta Iyo Mu_amaraadka laga
Soo Maleegayo Debadaha, Lagana Qaadaa Cunaqabateynta Siyaasadeed Iyo
Dhaqaalahaba
2. In Somalia Lagu Celiyaa 6 Gobol Ee Hore U jirey,Xiligii
Siyaad Bare Ka Horeysey Sidey Yeeshay Dalka Kenya Markey Qaateen Dostooraka
Cusub Ee Ay Ku Noqdeen 47 Gobol Ee Ka Horeyeey Arab Moy
3. Si Xal Loo Helo Waa In Beesha Caalamku Somalia Xal U Heshaa Iyada Oo Gacan
Ka Helaysa Somaliand La Sameeyaana Maamul U Gaar Ah Somalia Italia,
4. Waa In Loo Wada Hadlaa Sidii Labada Dawladood Siduu Qorayo Ga,aankii Ka Soo
Baxay Shirkii LONDON February 2012
ALLAA
WEYN
Eng;
Faisal Ali Waraane
Guddoomiyaha Xizbiga UCID
Nuxurka Qoraal Gudoomiyaha Xisbiga Ucid U Diray Danjire Nicholas Kay
Hargeysa(Xogreebnews)-Gudooomiyaha Xisbiga Ucid ayaa Qoraal dheer u diray Xoghayaha Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo Hargeysa ku sugan,kaasi oo uu si qoto dheer ugu faahfaahiyay xaaladdaha Somaliland iyo Somalia ka dhex taagan