Nuruxka Afar Qodob Oo Lagu Ilaalinayo Sharafta Madaxdhaqameedka Dalka Oo Wasiirka Arimaha Guduhu Soo Saaray

0
Tuesday August 19, 2014 - 16:33:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuruxka Afar Qodob Oo Lagu Ilaalinayo Sharafta Madaxdhaqameedka Dalka Oo Wasiirka Arimaha Guduhu Soo Saaray

    Hargeysa(Xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta wareegto ka soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta wareegto ka soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan Somaliland.

Hargeysa(Xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta wareegto ka soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan Somaliland.

Wasiirka ayaa wareegtada oo ka koobnayd afar qodob ku sheegay in Madaxdhaqameedka Dalka oo dhinaca amaanka hawl culus oo tabaruc ah ay ka hayaan islamarkaan wasaaradda Arimaha gudaha ka taageeraan hawlaha amaanka.

Qodobada ayaa u dhignaa sidan

1. In la Dhawro Sharafta iyo Karaamada Madaxdhaqameedku leeyahay

2. In loo fududeeyo Gacanna lagu siiyo Gudashada hawlaha ay umadda u hayaan ee nabad galyada iyo Xallinta khilaafaadka

3. In Caaqilka Jabiya Qodobada Sharciga ah, xadhigiisa loo soo maro wasaaradda Arimaha gudaha, islamarkaana lala soo socodsiiyo Gudoomiyaha Gobolka ay Arintaasi khusayso

4. Inaan la xayiri Karin Mushaharka Caaqilka ama Madaxdhaqameedka haddii aanay jirin sabab Kalifaysa.



Wasiir Warancadde waxa uu amray Badhasaabada iyo laamaha amaanka ee dalku inay meel mariyaan Wareegtadan.

Wareegtadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay 10 ka mid ah Madaxdhaqameedka dadka dega Burco lagu xi

dhay magaaladaasi ka dib khilaaf dhul oo ka dhashay degaanka Baliga Diiriye Guuleed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured