Maxaa Ku Dhacey Madexweyne Siilaanyo Iyo Waftigiisii Markii Uu Soo Gaadhay Gabiley

0
Monday August 18, 2014 - 20:22:38 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ku Dhacey Madexweyne Siilaanyo Iyo Waftigiisii Markii Uu Soo Gaadhay Gabiley

    Wafti uu hogaaminayay Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), oo jarmaado hore ku dhaafey alseydii Axadii Todobaadkan Magaalada Gabiley isagoo u socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti uu hogaaminayay Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), oo jarmaado hore ku dhaafey alseydii Axadii Todobaadkan Magaalada Gabiley isagoo u socda Wafti uu hogaaminayay Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), oo jarmaado hore ku dhaafey alseydii Axadii Todobaadkan Magaalada Gabiley isagoo u socda Dhinaca Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa soo laabashadiisii dambe kala kulmay Gabiley arimo lagu muujinayo sida aan raalida looga aheyn Madexweyne Siilaanyo iyo waftigiisa kuwaas oo dad fara badan oo hareeraha laamida tubnaa, ay dhabarka u jeediyeen taas oo ay dadweynaha Reer Gabiley ku muujinayaan sida aan loo jeclyan wakhtigan xaadirka ah Maamulkiisa islamarkaana, ay rabitaanka shacbiga Gabiley badidioodu kasoo Horjeedaan Madexweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisaba. Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi(Calicase), oo isku dayay in uu kala dareeriyo dadkaasi haseyeeshee, intuu uu ku guda jirey kala dareerinta oo dadweyne fara badan o Reer Gabiley ahika madax adeygeen ayaa waxa kusoo gaadhay Waftiga Madexweyne Siilaanyo, taas, oo ay mar kaliya dhabarka ujeediyeen boqolaal kamid ah dadkii tubnaa wadada hareeraheeda, inkastoo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee horkacayay .la gaadhsiiyay ,Madexweynaha iyo Waftigiisa balse, waxa ay arintani ku noqotey mid aad uga nixisay isaga 9Madexweynaha) iyo Waftiga uu hogaaminayay,waxaana kamid ahaa hadalada ay dadkaasi ku dhawaaqayeen Dooni mayno iyo erayo kale oo si toos ah loo maqalayay.Waftiga Madexweynaha Somaliland ee Magaalada Gabiley kala kulmay arin lama filaan ah kadib markii ay Dadweynaha Reer Gabiley intooda ugu badani dhabarka ujeediyeen, ayaanay aheyn markii u horeysay ee tan oo kale ku dhacdo isagoo socdaal ku maraya Gabiley balse waxa uu kala kulmay tan oo kale kadib markii kabo loo taagaey mudo imika laga joogo laba sano iyo dheeraad isagoo usii jeeda dhinaca Boorame.

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured